LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Wararka maanta 1 /12/2024

 Wararka Somalida.

Xiisadda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa sii cakirmaysa; iyada oo ay natiijo la'aan ku idlaadeen kulamo dhexmaray Raysal wasaare Xamse Barre iyo Madax ka tirsan dowladda Kenya oo ay wada hadallo ku saabsan Jubbaland ku yeesheen Nairobi.


Magaalada Caruush ee dalka Tanzania oo uu ka socdo shirka madaxeedka Bulshada Bariga Afrika ayaa lagu wadaa in Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Madaxweynaha Kenya, Ruto ay kaga wada-hadlaan xal u helista khilaafka DFS iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, sida ay sheegaan ilo-wargal ah Villa Somalia ayaa dooneysa in Madoobe ka noqdo doorashadii uuna ku laabto shirka Madasha Qaranka.


Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Osman Lugatoor, ayaa ka qayb galay Xuska Maalinta AIDS-ka Adduunka oo maanta lagu qabtay caasimada Garoowe.


Masuuliyiinta Hay’adda la dagaalanka AIDS-ka ee Puntland (PAC), ayaa munaasabadda kusoo bandhigay tirada xarumaha lagu baaro, tirada dadka la baaray, tirada dadka laga helay, tirada dadka daawada qaata, heerka wacygelinta iyo qorsheyaasha ay ka leeyihiin sidii loola diriri laha cudurkan.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay dadaalka Dowladdu ugu jirto ka hortagga, xakameynta iyo ciribtirka cudurkan oo halis ku haya adduunka oo dhan, wuxuuna faray masuuliyiinta ay khuseyso in lasii labajabaaro wacigelinta bulshada .


        Wararka Caalamka 

Bashaar Al-assad ayaa si aan horey loo arag ula xiriiray dhammaan hoggaamiyayaasha Carabta, si ka duwan 2016 , markii dagaalka Suuriya uu Assad soo galiyay Iran iyo Ruushka , balse markan wuxuu bixiyay dadaal weyn oo uu ku doonayo inuu taageerro ka helo Carabta, iyadoo ololahan ay gacan ku siinayaan Imaaraadka Carabta iyo Ciraaq— dadaalka waa in xal loo helo dagaalka oo lagu joojiyo wada-xaajood looga dalbanayo Turkiga si uu u joojiyo dhaqdhaqaaqyada mucaaradka Carabta ee wada howlgal ay waqooyiga uga saareen maamulka Assad.


Maxay ka dhigantahay xiriirka Carabta iyo Assad?


Si dhaqso leh, tani waa isbeddel, sabab la  xiriirta xaaladda ay wajahayaan Ruushka iyo Iran , oo si cad uma heli karo Assad awooddii ay dhinac dhigeen oo ay markaa ku burburiyeen dhaqdhaqaaqii mucaaradka Ruushka iyo Iran, iskudaygiisa waa in hab diblomaasiyadeed uu mar kale xal ugu helo dagaalka uu wajahayo, isagoo ka faa’iideysanaya xiriirka dib usoo laabtay ee Carabta.


Imaaraadka Carabta , oo markan uu diiradda saarayo Assad , ayaa dhankooda fursad u arkaya inay saameyn ku yeeshaan arrimaha Suuriya , sababtoo ah hadda Suuriya waxaa hoos loo dhigay cunaqabateyntii muddada saarnayd, taa oo ay uga faa’iideynayso Abu Dhabi inay shirkadaheeda geliso Suuriya. 


Balse, iskudayga badbaadada diblomaasiyadeed ee Assad ayaa halis ku ah qorshaha Iran oo aan dooneyn dalalka Carabta inay door ku yeeshaan xaaladda Suuriya, iyadoo hadda ay bixinayso Iran dadaallo ay ku raadinayso sidoo ay Turkiga ugu qancin lahayd in la joojiyo dhaqdhaqaaqa mucaaradka , oo wada-xaajood dib loo galo , si loo helo habab xal loogu helayo colaadda dib uga cusboonaatay. Turkiga ayaa doonaya inuu fursada uu u heysto ballaarinta doorkiisa Suuriya inuu xoojiyo tan oo badbaado u leh siyaasadda gudaha ee xisbiga hoggaamiya Turkiga ee AK Party oo cadaadis kala kulmaya joogitaanka malaayiinta qaxootiga Suuriya ee gudaha Turkiga oo ay doonayso Ankara inay si nabad ah ugu celiso dhulkooda.


Wasiirka arrimaha dibadda Iran, wuxuu tagi doonaa berri Ankara, markaa oo la arki karo wajiga diblomaasiyadda waxa uu ka beddelayo dagaalka, balse awoodda badan ee gacanta ugu jirta Xayat Taxriir al-Sham (HTS) ayaa suragal ka dhigi karta in maalmo kale oo dagaal dheer la arko, inay hadda joogaan magaalada Xama ayaa siinaysa hamiga ay iskudayi karaan inay gaaraan magaalada Xumus, si ay go’doon u geliyaan maamulka Bashaar Al-assad, markaa oo ay awood u yeelan karaan inay la galaan Assad gorgortan siyaasadeed oo door siinaya dhaqdhaqaaqyada sunniga Carabta ah. 


Turkiga waxaa kalo uu dedejinaya in natiijada uu doonayo xilli hore ay soo baxdo, maaddama uu jirto walaac laga qabo maamulka Trump inuu ciidanka Mareykanka ka saaro dhul ballaaraan oo gobollada bari ee kurdida Suuriya , halkaa oo uu diiradda saarayo Turkiga, natiijo muhiim ah oo ay dagaalka ka gaaraan Carabta ayaanna ku riixi karta kurdida inay heshiis la galaan Turkiga si uu uga saaro liiska argagixisada, markaa oo ay Ankara gacanta ku dhigi karto ceelasha shidaalka ee ay ka bixi karaan ciidanka Mareykanka.


Warsaxaafadeed ka soo baxay dhaqdhaqaaqa mucaaradka Carabta ee ay hoggaaminayaan kooxda Xayat Taxriir al-Sham (HTS) , waxay ku xaqiijiyeen inay si nabad ah ugu oggolaadeen kooxda kurdiyiinta ee maamulla gobollada bariga Suuriya ee SDF, inay si nabad ah hubkooda iyo ciidankooda ugala baxaan deegaannada ay kaga sugan yihiin baadiyaha Xalab iyo waqooyiga Suuriya, iyadoo la sheegay inay SDF oggolaatay inay hubkeeda iyo ciidankooda u rarto gobollada bariga ee ay gacanta ku hayaan.


Sidoo kale , warsaxaafadeed kale ayaa dhaqdhaqaaqa mucaaradka wuxuu ugu sheegay ciidanka u dagaallamaya Bashaar Al-assad , waxa kaliya ee ay ku badbaadi doonaan inay tahay inaysan dagaallamin oo ay si nabad ah uga baxaan goobaha ay ku wajahanyihiin dhaqdhaqaaqyada mucaaradka. Qof kasta oo Suuriyaan u dagaallamaya Assad oo isku soo dhiibaya, waxay sheegeen mucaaradka inan la dhibaateyn doonin, haddii uu hubka dhigo. 

Turkiga ayaa u aqoonsan kooxaha kurdiyiinta ee SDF iyo PKK ururro argagixiso, taa oo ku khasbaysa dhaqdhaqaaqa uu taageerrayo Turkiga ee mucaaradka inay iyagu maamullaan waqooyiga oo ka saaraan sunniyiinta kurdida, balse tan iyo Arbacadii marka uu duullaanka bilowday kooxaha kurdiyiinta ee Mareykanka uu taageerro waxay u dhaqmeen si taxadar leh , lama aysan dagaallamin dhaqdhaqaaqyada Carabta waxay ku wareejiyeen goobaha ay ka joogeen waqooyiga.

Turkiga iyo Mareykanka ayaa ka wada-hadlay xaaladda dagaal ee Suuriya , iyadoo Turkiga uu xaqiijiyay inay ka hortagi doonaan iskuday kasta oo kooxaha ay argagixisada u aqoosanyihiin labada dhinac ay door ugu yeelan karaan xiisadda, sida laga soo saaray wadahadal ay telefoonka ku yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee Turkiga iyo 


Si cad wad-hadalka ayaa u gogol xaaraya inay sharciyad u helaan duullaankooda dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ee ay hoggaaminayso kooxda Xayat Taxriir al-Sham (HTS) , oo hadda uu Turkiga u soo banbaxay taageerrada iyo daboolka siyaasadeed ee uu siinayo.


Fikradayda guulaha deg deg ah ee ay gaarayaan mucaaradka Suuriya , wuxuu ku riixi doonaa dhinacyada ku lugta leh colaadda Suuriya ee Ruushk, Iran, Mareykanka iyo Turkiga inay wada-xaajoodyo cusub dib u raadiyaan, markaa oo laga yaabo kooxaha carabta ee hadda dagaalka ku jira inay door siyaasadeed iyo awoodeed ku yeelan karaan xaaladda Suuriya, waxa ugu dambeynaya waa in dib u habeyn lagu sameeyaa khariirada dhulka la kala heysto ee Suuriya oo ay dib u heli karaan dhaqdhaqaaqyada Carabta -sunniga ah dhulka laga barakiciyay.




Post a Comment

0 Comments