Bisha Rajab , sannadka 1446 ayaa caawa dhalatay, inay bishan toddobaad tahay mid ka mid ah bilaha gaarka ah ee xurmada la siiyay, sidoo kale waxay inoo sheegaysa in 2 bilood ay inaga xigto bisha barakaysan ee Ramadaan. Rabbi nabad iyo caafimaad qab ha inagu gaarsiiyo bisha Ramadaan.
Puntland
Ciidanka Puntland ee isku diyaarinaya duullaan ka dhan ah kooxda Daacish, ayaa saacadihii hore ee maanta ka hortagay weerar ay Daacish ku qaaday saldhigga deegaanka Dharjaalle ee gobolka Bari, iyadoo laga arkay muuqaallada iyo sawirrada ay soo bandhigeen ciidanka Puntland dagaallamayaal ajanabi ah oo qeyb ka ahaa weerarka ay soo qaaday Daacish.
Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland , oo aan la hadlay wuxuu sheegay weerarka Daacish ay ku qaadeen deegaanka Dharjaalle , inuu ku bilowday walxaha qarxa oo ay isku soo xireen dagaallamayaasha Daacish , waxaana la arkay in bartilmaameedka u ahaa bakhaarada saadka, hubka iyo agabka kale ee ciidan, wuxuu tilmaamay si dhaqso ah inay ciidanka isaga caabiyeen weerarka, iyagoo ka hortagaya inay dib u laabtaan dagaalyahannada weerarka soo qaaday oo uu sheegay in la dilay, kuwa kalena ay ku dhinteen qaraxyada ay isku soo xireen. Sarkaalka ma bixin faahinta inta uu gaarsiisanyahay khasaaraha soo gaaray dhinaca ciidanka Puntland iyo sababta aan loogu guuleysan inan xilli hore la oggaan iskudaya ay isku abaabulayaan Daacish si ay u weerarraan saldhigyada ciidanka isku diyaarnaya duullaanka oo uu ku sheegay kuwa feejigan oo ku filan inay ka hortagaan nooc kasta oo weerar uga imaanaya Daacish.
Ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxday laamaha ammaanka Puntland oo looga hadlay weerarka ka dhacay Dharjaalle.
Maxay ka dhigantahay in la dilay dagaallamayaal ajaanib ah?
Sarkaal ku sugan deegaanka Dharjaalle, wuxuu ii sheegay saddexdii dagaalyahan ee lagu dilay weerarka ay soo qaadeen Daacish in mid ka mid ah uu ahaa ajanabi, waxaa kalo uu sheegay inuu arkay tiradii ugu badnayn ee dagaalyahanno u muuqda Aasiyaan u badan Carab, oo inta badan isku soo xiray walxaha qarxa, taa oo tilmaam ka bixinaysa inan loogu talagelin inay dib nolal ugu laabtaan, sidoo kale weerarka wuxuu muujiyay sida kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraha ee Puntland ay ugu tiirsan yihiin dagaallamayaal ajaanibta, waana wax ku laabanaya laamaha ammaanka sida aan loo oggaan tirada badan ee ajaaniibta galaya Puntland ee tagaya buuraha ay ku suganyihiin Daacish…!
Xuutiyiinta Yemen oo weerar qaaday
Xuutiyiinta Yemen ayaa sare u qaaday weerarrada ay u adeegsanayaan gantaallada ballistic-ga ah ee ay ku beegsanayaan bartilmaameedyada Israa’iil, iyadoo ay Israa’iil sheegtay inay ka hortageen gantaallo saakay lagu weerarray, halka Xuutiga Afhayeen u hadlay uu sheegay gantaalladooda inay gaareen bartilmaameedkii loogu talay.
Gantaallada ayaa jajab-kooda lagu arkay deegaanno aan ka fogeyn magaalada Qudus, kuwaasoo u muuqda inay yihiin gantaallo laga tixraacay kuwa ay soo saarto Iran ee Rezvan, balse kuwa Xuutiyiinta ay ku weerarrayaan waxay ka sarreeyaan xawaaraha Rezvan oo gaara masaafo 1,400 km, halka ay Xuutiyiinta adeegsanayaan gantaallo gaari kara masaafo 2,000 km, taa oo suragal ka dhigi karta in Xuutiyiinta ay dhimayaan madaxyada qarxa si ay u kordhiyaan masaafada uu gantaalka gaari karo.
Turkiga
Turkiga ayaa lagu warramaya inuu ku wareejiyay hay’adda sirdoonka Kenya ee NIS , 6 diyaaradood oo ah nooca an duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 , iyadoo bishii Agoosto ee sannadkan sidoo kale uu Turkiga soo gabagabeeyay tababar la siiyay duuliyayaasha diyaaradan ee Kenya.
Kenya ayaa hadda ku hubaynaysa ciidankeeda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , si ay ugu adeegsato howlgallada gaar ah oo ay ku jiraan howlgallada ka dhanka ah kooxda AS.
0 Comments