LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka 23/11/2024

Ciidanka amniga Norway ayaa xiray mid ka mid ah ilaalada safaaradda Mareykanka ee ku taalla Norway, sabab la xiriirta inuu ahaa basaas u shaqeeya Ruushka iyo Iran oo uu xiriir la sameeyay wakiillo ka tirsan sirdoonka dalalkaa,sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Reuters, oo xigatay sarkaal ka tirsan booliiska Norway.

Ninkan la xiray  oo 20 jir ah ayaa la sheegay inuu heysto dhalashada Norway , waxaana laga soo qabtay gurigiisa, waxaana hadda su’aallo waydiinaya laamaha ammaanka ee Norway, iyadoo qareenka u doodaya ninkan oo lagu magacaabo John Christian Elden uu sheegay qofka uu qaraanka u yahay inuu xiriir la sameeyay saraakiisha sirdoonka Ruushka iyo Iran.




Wargeyska The Economist , ayaa boggiisa hore ku soo dhajiyay sawirro lagu muujinayo dhacdooyinka la filan karo dunidda inay wajahdo sannadka 2025.


Waxaan ku siinaya dhowr tusaale, kaddib iskuday fallanqeyntaada inad cabirto waxyaabaha  The Economist uu saadaalinayo.

•Tusaale; Sawirka lagu muujiyay Irbadda 💉— wargeyska ayaa saadalinaya surtagalnimada cuduro cusub oo dunidda ay wajahi karto 2025, si la mid ah sannadkii 2019 iyo Covid-19

•Wargeyska ayaa sidoo kale filaya sannadka 2025 , inuu yahay sannad ay ka baxdo hanjabaada nukliyeerka ☢️


• Dib usoo noqoshada Trump waxay mar natusi karta dagaal ganacsi oo uu la galayo Shiinaha, markaa oo laga yaabo inay aragto lacagta Shiinaha hoos u dhac.

• Isku sarka labadan calaamadood ⌛🌍, waxaa laga yaabaa inuu wargeyska ku saadaaliyay xaalad masiibooyin deegaanka ah oo dunidda ay wajihi karto.

Allaha inaga og, waxyaabaha soo socda , balse inta badan wargeys  sida The Economist, waxay wax ku saadaalinayaan xogaha ay ka heli karaan iskudayga aadanaha.

Inta kale adigan kaga tagay; Kuwani way ku filanyihiin inad ku fallanqeysid sawirrada!

Guddiga sare ee hay’adda quwadda atoomikada adduunka (IAEA) oo ah hay’adda la socota khataraha nukliyeerka ayaa soo saaray saacadihii dambe ee Khamiistii shalay , qaraar ay ku cambaareynayaan Iran oo ay ku eedeyeen inaysan ula shaqeyn hay’adda sidii loo bahnaa, wallow qaraarka ay diiddeen Ruushka iyo Shiinaha, haddana isagoo taageerro ka helaya Mareykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka wuxuu noqday mid hela cod ku filan oo lagu cambaareeyo Iran. 

Markii uu soo baxay qaraarkan, si dhaqso ah wasaaradda arrimaha dibadda iyo wakaaladda tamarta nukliyeerka Iran ayaa qoraal wadajir ah ku sheegay inay Iran qaadayso tallaabo ay ku horumarinayso barnaamijkeeda nukliyeerka, sida ay uga jawaabto qaraarka IAEA.

      Madaxeeynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa xaqiijiyay inuu Ruushka adeegsaday gantaal ballistic ah ee riddada dhexe oo cusub, kaasoo qaatay magaca Oreshnik, oo ku socon kara xawaaraha Mach 10 oo la macno ah 3km inuu ku gaari karo ilbiriqsigiiba, waxaana lagu xiray nidaamka hypersonic-ga, si la mid ah wuxuu awoodda in lagu xiro madaxyo nukliyeer ah,iyadoo lagu garaacay saldhig lagu horumariyo gantaallada oo ku yaalla magaalada Dnipro ee bariga dalka Ukraine.


Putin, wuxuu ku ammaanay gantaalkan inaysan celin karin nidaamyada difaaca Mareykanka iyo Yurub, isagoo ku sheegay adeegsigiisa inuu jawaab u yahay weerarrada ay Ukraine u adeegsatay gantaallada riddada dheer ee reer galbeedka. 


“Gantaallada reer galbeedka ayaa duqeeyey xarumaha Ruushka ee Bryansk iyo Kurs— taasi waa sababta Ruushku xaq u leeyahay inuu hubkiisa u isticmaalo xarumaha militariga ee dalalkaas …kaddib weeraradii gantaalada riddada dheer ee Ukraine ay qaadday, colaadda gobolka waxa ay yeelatay weji caalami ah…Haddii ay dhacdo koror, Ruushku wuxuu ku jawaabi doonaa si adag.” ayuu yiri Putin.                  

             Puntland 


Puntland waxay galaysaa dagaal dhamaan Buuralayda Golis looga sifaynayo argagixisada.

Magaca Hawl Galku,waa Duufaanta Sil-silada Golis.

Saadkii iyo dhaqaalihi Hawlgalka,waa la dhamaystiray.

2500-Askari oo laga soo xulay Safafka Ciidamada kala duwan ee PL,ayaa hawlgalka galaya...

1.Daraawiishta.

2.PMPF.

3.PISF.

4.Madaxtooyada.

5.PISA.


Waxaa la diyaariyay dhamaan Saanadii iyo Cududii loo baahnaa,sigaar ah,waxaa la diiwaan galiyay tababaro loo dhamaystiray Ciidankii Kasoo laabtay SOOL,waxaana kor loo qaaday

Mushaarka iyo Mooralka Ciidanka.

Qorshuhu,waa Garaacitaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo weerar ku ekeeya Buuralayda,kadib waxaa xigaya Hawlgalka Dhulka ah.

Dawladaha Maraykanka,Imaaraatka iyo Midowga Yurub,ayaa fulinaya Hawlgalka koobaad ee dhinaca Hawada ah.

Dhinaca Bada,waxaa garaacitaan kooban fulinaya Maraakiibta Ciidanka Bada Ee Midawga Yurub.

Magaalooyinka,waa weyn ee Puntland,waxaa laga Hawlgaliyay Ciidan dharcad ah kuwaas oo Gacanta si dhamaystiran ugu dhigay Amnigii iyo xasiloonidii.

MW Deni,waxa uu ku sugan yahay Carmo oo hawlgalka uu kala soconayo.

Halka Taliska Ciidanka PL ee hawlgalka loo raray Kalabayr.





Post a Comment

0 Comments