MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO CHANCELLOR-KA JARMALKA OO KA WADA HADLAY XIRIIRKA LABADA DAL
Berlin, November 6, 2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta magaalada Berlin kula kulmay Chancellor-ka dalka Jarmalka, Mudane Olaf Scholz ayaa kala hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan iskaashiga labada dawladood.
Kulankan ayaa qeyb ka ahaa booqasho rasmi ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku joogo Jarmalka taas oo ku timid casuumad uu ka helay Chancellor Scholz.
Labada hoggaamiye ayaa kulankooda maanta si qota-dheer ugu lafaguray danaha labada dal iyo joogteynta iskaashiga dhinacyada; cimillada, horumarinta dhaqaalaha, taageeridda dadaalka DFS ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga ka dib dhammaadka hawlgalka ATMIS, tababbarista iyo tayaynta ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay ugu filnaadaan xaqiijinta nabadgeliyada dalka, iyo arrimaha kale ee ahmiyadda weyn u leh geeddi-socodka dawlad-dhiska Soomaaliya.
Intii uu kulanku socday, waxa uu Chancellorka Jarmalka, Mudane Scholz soo hadal-qaaday arrimaha qaxootiga iyo magangalyo-doonka oo uu dalkiisu ka mid yahay meelaha ugu badan ee lagu soo dhaweeyo dadka ka soo haajira duruufaha colaadeed iyo kuwa nololeed ee ka jira meela dunida ka mid ah. Waxa uu sheegay in ay Soomaali kummaanaan gaaraysa ay qeyb ka yihiin dadka magangalyada ka helay Jarmalka, kuwaas oo hadda kaalin wanaagsan ku leh horumarka iyo wada-noolashaha guud ee bulsho-weynta dalkaas.
Hase ahaatee, Mudane Olaf Scholz ayaa xusay in ay jiraan tiro aad u yar oo muhaajiriin Soomaaliyeed ah oo sharcidarro ku jooga dalka ka dib markii ay dambiyo galeen oo sidaas ay ku lumiyeen xuquuqdii magangalyo.
Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay kaalinta Jarmalka ee soo-dhawaynta iyo fursad-siinta qaxootiga Soomaaliyeed. Waxa uu Madaxweynuhu la wadaagay dhiggiisa Jarmalka sida ay dawladdiisu u danaynayso in dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah ay helaan xuquuqda caalamiga ah ee ay ku leeyihiin shuruucda magangalyo-doonka, isaga oo caddeeyay in aysan jirin baahi loo qabo dib-u-celin qasab ah, balse qofkii si sharci ah u lumiya xuquuq magangaliyo ee iskiis u doonaya in uu dib u soo gurya-noqdo ay mar kasta u furan tahay in uu dalkiisa iyo dadkiisa ku soo laabto.
Kulanka labada hoggaamiye ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad dhabbaha u xaaraya sii-joogteynta wada-shaqaynta labada dal oo ah mid ka tamar-qaadaya xiriir saaxiibtinimo oo soojireenka ah.
Wasiir ku-xigeenkii dekadaha oo iska casiley xukuumadda Ra’isulwasaare Xamse.
Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xil. Saddaam Maxamuud Cabdi ayaa noqdey wasiirkii saddexaad ee iska casila xukuumadda raysulwasaare Xamse muddo maalmo ah gudahood.
Wasiirka Amniga Gudaha oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Serbia.
Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Kulan muhiim ah oo ku saabsan xoojinta iskaashiga dhanka amniga la yeeshay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Serbia, Mudane Ivica Dacic, iyada oo kulanka diiradda lagu saaray sidii labada dal ay uga wada shaqeyn lahaayeen amniga, gaar ahaan la-dagaallanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan.
Intii uu kulanku socday, labada mas’uul waxay isla meel dhigeen muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta caalamiga ah, iyo in ay isku dhaafsadaan khibrado dhanka ammaanka ah.
Wasiirka Arimaha Gudaha ee Serbia, Ivica Dacic, ayaa xusay sida uu dalkiisu diyaar ugu yahay in uu Soomaaliya ay ka caawiyo dhismaha hey’adaha amniga iyo tababarrada la xiriira ilaalinta nabadgelyada, waxaana wafdiga Wasiirka qeyb ka ah Taliye ku xigeenka Booliska Jeneraal Kaniif iyo Taliyaha hoggaanka Interpol Jeneraal Dhoore.
Sidoo kale, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo ka qeyb galaya shirka guud ee 92-aad ee INTERPOL oo ka dhacaya magaalada Glasgow, ayaa kulammo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka socday dalalka Mareykanka, Rwanda iyo South korea, waxana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga ee kala dhaxeeya dalalkaas.
Wararka Caalamka
FBI-da Mareykanka ayaa goor dhow sheegtay inuu Ruushka faragelinayo doorashada Mareykanka , iyadoo la adeegsanayo warbixinno been abuur ah oo dadka ku wargelinaya inay bambooyinka qarxa ku jiraan goobaha cod bixinta, taa oo la sheegay inay caqabad ku noqotay habsami u socodka nidaamkii ay codka ku dhiibanayeen
Hadalkan wuxuu yimid kaddib markii la baahiyay muuqaallo iyo farrimo loo ekeysiiyay inay ka soo baxeen hay’adda FBI-da oo ka digaya khataraha amni iyo goobaha cod bixinta oo qaarkood looga shakisanyahay waxyaaba qarxa, intaa oo kaliya ma aha ee sidoo kale waxaa la baahiyay in isla hay’adan loo ekeysiiyay muuqaallo ka soo baxay oo lagu sheegayo in maamulka shan goobood oo ku yaal gobollada Pennsylvania, Georgia iyo Arizona, ay ku shubteen codbixintii oo ay heshiis la galeen xisbi siyaasadeed. Hadda warbixinnadan waxaa beenisay FBI-da oo sheegtay inay ka dambeeyaan kooxaha Ruushka.
Mareykanka ayaa lagu warramayaa inuu caawa tijaabanayo marka la soo xiro cod bixinta doorashada , gantaal guuxiisa ka dheereeya oo ah hypersonic nukliyeer ah, kani waa gantaal nukliyeer ka dheereeya shan mar inta uu ku soo gaarayo codka qofka kula fadhiya.
Wargeyska Daily Mail , ayaa ku sheegay tijaabadan inay dhacayso , xilli ay sii kordhayso cabsida laga qabo dagaalka saddexaad ee adduunka.
0 Comments