LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Wararka maanta 5/11/2024

WASIIRKA OO DAAHFUREY SHIRKA MADASHA MASHAARIICDA ADKEYSIGA PUNTLAND


 Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland Mudane Dauud Maxamuud Maxamed Cumar oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Maxamed Xasan Ibraahim iyo Agaasimaha Guud Mudane Cabdulqaadir Cabdidaahir Faarax ayaa daahfurey shirka madasha Adkeysiga (Resilience Projects) oo muddo labo cisho ah ka socon-doona magaalada Garoowe.

Madasha oo lagu gorfeyn-doono mashaariicda adkeysiga xaaladaha adag ee Puntland, waxaa ka qaybgalay madaxda hay'addaha dawladda iyo kuwa samafalka ee ka hawlgala Puntland, iyadoona inta uu socda diiradda lagu saari-doono.
Qiimeynta heerka mashaariicda adkeysiga (resilience projects) ee haddda socda, guulaha la gaaray, caqbadaha iyo soo jeedinta qorshaha wax ka qabashadooda.

Sidoo kale waxaa la falaan-qayndoonaa xoojinta isuduwidda iyo wadashaqeynta ka dhexeeysa daneeyayaasha xagga bixinta barnaamijyada adkeysiga si kor loogu qaado waxtarka iyo hufnaanta, waxaana door wayn qaaadanaya dadaallada mashaariicda adkeysiga ee Puntland.
Waxaa lasoo saari-doonaa warbixin iyo madal mhameystiran oo qeexaysa goldaloolooyinka adkeysiga, iyo xoojinta iskaashiga mashaariicda lagu horumarinayo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Halku-dhigga sanadkaan ee shirka oo loo dooray "Xilliga adag waxaa lagu dhaafaa dhug iyo dhabar-adayg" gabagabada ayaa laga soo saari-doonaa warbixin guud iyo jiheyn-doonto mashaariicda adkeysiga Puntland.
  




GAROWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa shir gudoomiyey kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda oo lagu qabtay Xarunta dhexe ee Wasaarada.

Kulanka Wasiirka waxaa ku weheliyey Wiirudowlaha Wasaaradda, Wasiirku xigeenka Wasaaradda, Wasiirku xigeenka dakhliga, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo Agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda.

Kulanka ayaa intii uu socday Agasimayaasha waaxyuhu soo badhigeen shaqooyinka laqabtay ee horumarka laga sameeyey, kuwa harsan ee aan laqaban  iyo qorshayaasha dagsan ee dhanka shaqada Wasaaradda.

Wasiirka ayaa bogaadiyey dhammaan shaqooyinka horumarka laga sameeyey ee Wasaaradda kuna adkeeyey Agaasimayaasha waaxyaha in ay sameeyaan dadaal dheeri ah oo ku aadan qabashada shaqooyinka hortebinta leh ee Wasaaradda.


Barnaamijka Taageeridda dib u heshiisiinta nabadda iyo xasilinta ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo Maanta oo ay taariikhdu tahay 05.11.2024.

Waxaa kasoo qeyb galay madaxda ugu sarreysa Gobalka iyo Gaalkacyo & masuuliyiin ka socda Galmudug, agaasimayaal iyo Isku-duwayaal ka kala socda Wasaaradaha Galmudug iyo  Puntland, iyo Gudoomiyaaha dhalinyarada Gobalka iyo degmada, 

Nabadoono, Guddiyada Amniga, Guddiyada Hormurinta gobalka Mudug  iyo dham



aan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Furitaan kadib, 50 dhalinyaro oo ka kala socoda bulshada qeybaheeda kala duwan  ee Puntland & Galmudug ayay masuuliyiintu u fureen tababar iyo aqoon is waydaarsi soconaya 3 maalmood oo diiradda lagu saarayo sidii ay bulasahada qeybaheeda kala duwan uga qeyb qaadan lahaayeen dib-u heshiinta, dowlad dhiska, nabada, xasilinta, Hormuarka Gobalka, iyo in dhalinyaradu qayb ka noqdaan go’aamada masiiriga ah ee dib-u heshiinsiinta iyo dowlada dhiska.

Nabad ayaa naas la nuugo leh.

Sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland Madaxweynaha maamulkaas Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi lagu sheegay dhexdhexaadiyayaal ka socoda dowladda Kenya oo Jubbaland ay sheegtay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  uu ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo DFS 

Xoghayihii hore ee fulinta IGAD, Amb. Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo senatorkii  hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Colow oo la sheegay inay qeyb ka yihiin wafdiga ayaa madaxtooyada Kismaayo kula kulmay Axmed Madoobe .

Marka lagasoo tago qoraalka ay baahisay madaxtooya Jubbaland majiro cid madax banaan oo xaqiijisay in dowladda Soomaaliya gaar ahaan MW Xasan Sheekh uu ka codsaday Kenya inay dhax-dhaxaadiso Jubbaland iyo DFS,Walina dowladdu arrintan wax war ah kamasoo saarin.

     




Post a Comment

0 Comments