LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay khubaro ka socotay FBI-da Mareykanka.

 

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay khubaro ka socotay FBI-da Mareykanka.

Taliye Asad ayaa Saraakiisha Khubarada ah kala hadlay sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen tababarada Saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo xoojinta dib u habeynta ciidanka.

Saraakiisha FBI-da ka socotay ayaa bogaadisay dardargelinta, horumarinta iyo dib u casriyeynta hanaanka shaqo ee Ciidanka Booliiska.

FBI-da Mareykanka ayaa qeyb ka ah hay’adaha Booliiska Soomaaliya ka taageera la dagaalanka argagixisada.




Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa qadka taleefanka ugu hambalyeeyey Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Suudaan.

Muqdisho, Soomaaliya – 6,Nofeembar, 2024. Danjire Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa dhawaan qadka taleefanka hambalyo diirran ugu diray Dr Cali Yuusuf Axmed, oo ah Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Suudaan.

Wasiir Fiqi ayaa Dr Axmed u rajeeyay guul ku aaddan xilka cusub, isagoo hoosta ka xariiqay inay muhiimtahay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Suudaan.

Labada wasiir waxay dib u xaqiijiyeen ballan-qaadkooda ku aaddan xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinnimada ku dhexeysan ee Soomaaliya iyo Suudaan, iyagoo isku raacay inay sii horumariyaan iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha, iyo dadaallada xasilloonida gobolka ee ku qotoma danaha wadajirka ah ee labada wadan.




Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed ayaa kusoo gabagabeysay magaalada Baydhabo aqoon isweydaarsi ku saabsan casharada laga bartey dadaallada xasillinta ee Soomaalya.


Shirkan oo labo maalin socday ayaa xoogga lagu saaray in la qiimeeyo howlaha socda, iyadoo la muujinayo meelaha ugu khatarta badan ee u baahan faragelin degdeg ah iyo la socodka heerarka jilicsanaanta degmooyinka.

Masuuliyiinta labada heer ee ka qeybgalay kulanka ayaa ka dooday howlaha kala duwan ee Xasillinta, iyada oo lasoo jeediyey talooyin wax ku ool u ah dadaallada socda, waxaa sisoo kale laga hadlay iskudabbaridka iyo sida ugu haboon ee looga wada shaqeyn karo xasillinta.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa hoggaamineysa dadaallada xasillinta, iyada oo hey’adaha labada heer ee dowladda kala shaqeysa sidii horumar loo gaarsiin lahaa deegaannada soo kabashada ku jira ee dhowaan laga xoreeyay Khawaarijta.



MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY SHIRKA MAALGASHIGA JARMALKA IYO AFRIKA.

Frankfurt, Nofeembar 06, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay Shirka Maalgashiga Jarmalka iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna iyo dadaallada dowladda ee horumarka iyo xasilloonida. 

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ay aasaas u tahay kobaca dhaqaale, shaqo abuur, la tacaalidda isbedelka cimilada iyo amni darrada, isagoo bogaadiyay shirkan diiradda lagu saaray sidii loo abuuri lahaa nidaam soo jiita maal-gashadayaasha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in Soomaaliya ay ku guuleysatay qorsheyaasha isbeddelka dhaqaale iyo diyaarinta sharciyada dhowrista maal-gashadayaasha, iyadoo hoosta ka xariiqay inay hiigsaneysa xoojinta kaalinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo kor u qaadista dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso maalgashadayaasha caalamiga ah, isla markaasna ay heleyaan  shacab ku tilmaaman firfircooni iyo hal abuur ganacsi.


     Wararka Caalamka 


Karoline Leavitt, oo ah afhayeenka ololaha Trump, ayaa ku dhawaaqday in tallaabada u horreysa ee uu qaadayo Trump marka uu xafiiska la wareego inay tahay fulinta ballan-qaadkiisii ​​ahaa masaafurinta muhaajiriinta aan sharciga haysan, sida ay baahisay shabakadda NBC News. 

Leavitt ayaa tiri; “Dadka Mareykanka waxay gaarsiiyeen guul lama filaan ah madaxweyne Trump… guushani waxay awood u siinaysa Trump fulinta ballanqaaadkii hawlgalkii ugu weynaa ee masaafurinta, si wax looga qabto guul-darrooyinka siyaasadda socdaalka ee Kamala.”


Ilhaan Cumar ayaa guul weyn ka gaartay doorashada si ay usii heysato kursigeeda aqalka Congress-ka ee Mareykanka , guushan oo timid kaddib markii ay wajahday isku dayo kooxo taageersan Israa’iil ay ku doonayeen inay meesha ka saaraan Ilhaan oo matalaysa xaafadda shanaad ee gobolka Minnesota, waxayna la tartamaysay Dalia al-Aqidi oo ka socotay  xisbiga Jamhuuriga, taa oo asal ahaan ka soo jeeda Ciraaq, waxaanay isku tilmaantay inay tahay Muslim cilmaani ah, isla markaana taageersan Israa’iil, taasoo ka duwan Ilhaan oo si weyn u taageersan xuquuqda Falastiin.

Ilhaan ayaa ku guuleystay 76.4 boqolkiiba codadkii la dhiibtay halka Aqidi ay heshay  23.6 boqolkiiba, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Post a Comment

0 Comments