LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Maraykanka oo aqoonsanaya Soomaaliland


 Madaxweyne dooran ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa qorshaynaya inuu aqoonsado maamulka Somaliland marka uu la wareego xafiiska, sida uu wargeyska The Independent u sheegay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Ingiriiska Gavin Williamson oo hadda ah Xildhibaan ka tirsan Ingiriiska.

Xiisada gacanka cadmeed iyo doorashooyinka ka dhacay Somaliland ayaa la rumaysanyahay inay soo jiiteen indhaha Trump, taas oo ka dhigi doonta Maraykanka dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland. 

 1: Waxaa la saadaalinaayaa in aqoonsiga Maraykanku uu sidoo kale keenay gacanka cadmeed in laga ilaaliyo Xuutiyiinta oo jidgooyo waaweyn dhigtay Marinka muhiimka ah ee  Baabul 'mandab iyo guud ahaan Badda Cas Badda gacanka cadmeed.

2: Sidoo kale qorshahaan dhabarka waxaa  ka taagan Israa’iil oo danaheeda ka dhex aragtay aqoonsiga Somaliland. Maadaama ay doonayso inay danaheeda ka ilaashato goobtaan muhiimka ah ee gacanka cadmeed. Sida lawada ogyahayna Maraykanka waa dalka koowaad ee difaaca Danaha Israa’iil  caalamka oo dhan.

3: Kan ugu dambeeyana Maraykanka waxaa uu  doonayaa inuu saldhigiisa jabuuti uu u  sooraro Somaliland xilli ay sii socdaan beegsiga Xuutiyiinta Yemen ee Maraakiibta Maraykanka.iyo Xulafadiisa galbeedka sidoo wuxuu  rabaa inuu jabuuti ka aag badasho maadaama ay quwado waaweyn saldhigo ku leeyihiin Jabuuti .

                      Wararka Caalamka 

 Kooxda Xuutiyiinta Yemen, ayaa maanta markii u horreeysay weerarray markab laga leeyahay Turkiga oo isku dayay inuu adeegsado badda cas, isagoo shixnad u sida dekedaha Israa’iil.

Xuutiga, si toos ah ayay u garaaceen markabka iyagoo adeegsanaya gantaallada ballistic-ga , waxayna ku guuleysteen inay soo bandhigaan magaca markabka oo lagu sheegay Anadolu S, laakin marka la tixraaco markabka wuxuu soo galaya saaxiibbada Erdogan iyo xubno muhiim ah oo ka tirsan xisbiga Erdogan ee AK Party.

Waatan xogta

Markabka Anadolu S, wuxuu ka tirsan yahay shirkadda Oras Shipping ee fadhigeedu yahay Istanbul, waxaana leh ganacsadaha Turkiga ah ee Salih Zeki çakır — ganacsadahan iyo shirkadiisa waxay caan ku yihiin inay xiriir ganacsi oo ballaaran la leeyihiin Israa’iil.

Laakin ma garanaysa fadeexada? 

Ganacsatada Salih Zeki çakır , wuxuu xiriir ganacsi iyo saaxiibbo dhow la yahay xubno muhiim ah oo ka tirsan xisbiga Erdogan ee AK Party— dadka ay ganacsiga wadaagaan waxaa ka mid ah Wehbi Koch, oo ah xubin firfir-coon oo ka tirsan xisbiga AK Party.

Sidoo kale , Salih ayaa saaxiib dhow la ah qoyska ra’iisul wasaarihii u dambeeyay ee Turkiga , Bin Ali Yildirim oo ka tirsan xisbiga AK Party.

Erdogan wuxuu horey u sheegay inuu xiriirka ganacsi u jaray Israa’iil oo ay xigtay toddobaadyo ka hor in dhammaan nooc kasta oo xiriir inuu Turkiga u jaray Israa’iil.

Laakin sidee tan u sharrixi karaa Erdogan?



Ukraine ayaa gantaallada Mareykanka markii u horreysay ku weerartay dhulka Ruushka .


Ukraine, ayaa 6 gantaal oo ah ATACMS, ku weerartay saldhig iyo bakhaar hub oo ay leeyihiin ciidanka RuushkaRuushka, ayaa si dhaqso ah u sheegay weerarkanUkriane, waxay ballanqaaday inay sii wadi doonto adeegsiga gantaaladan si ay ugu burburiso saldhigyada Ruushka.

Maxay tan khatar u tahay?


Weerarkan wuxuu ku soo aaday isla maalinta uu saxiixay Putin, wax ka beddelka siyaasadda nukliyeerka , isla maantaba Ukriane waxay jabisay siyaasaddaa, waxayna bixisay shuruud uu Ruushka u adeegsan karo nukliyeerka.

Putin, ayaa horey u ballanqaaday inay ka jawaabi doono nooc kasta oo weerar gantaaladan ah, sidoo kalena dalalka bixiyay gantaallada ku dhaca dhulka Ruushka inay u aqoonsanayaan bartilmaameedyo sharci ah.

Hadda, kubadda waxay taallaa Ruushka, sababtoo ah waxaa la eegaya sida uu uga jawaabayo weerarkan..

Warbixinta oo dhan ka dhageyso bartayda Youtube; 



Xiriirka Imaaraadka Carabta iyo fallaagada RSF ayaa ku dhow inuu burburo! 


Imaaraadka Carabta inuu yahay dalka taageerraya kooxda ka dagaallamaysa gudaha Suudaan ee RSF , waa arrin jirtay tan iyo markii dagaalka labada janaraal uu ka bilowday Suudaan, balse hadda xilli waqti adag ay wajahayaan RSF , waxaa soo baxaya inuu burbur ku dhow yahay xiriirka Imaaraadka iyo RSF oo Abu Dhabi ayaa ku hanjabaysa inay joojinayso taageerrada.Waatan macluumaadka sheekadan; 

Imaaraadka Carabta , wuxuu u muuqda inuusan dooneyn guul-darrada inay dhinaciisa jirto, kaddib markii dagaallo badan lagu jabiyay RSF oo ay ku dhowyihiin koox la go’doomiyay, hadda Abu Dhabi ayaa lagu warramaya inay u sheegtay RSF, haddii aysan qabsan magaalada El Fasher ee waqooyiga Darfur ka hor dhammaadka bishan November , waxaa la joojin doona taageerrada Abu Dhabi— dhammaan weerarrada ay qaadeen RSF way ku guul-darraysteen inay kala wareegaan militariga Suudaan gacan ku heynta magaaladan istiraatijiga u ah gobolka Darfur, sida ay sheegtay shabakadda Sudan Tribune oo xiganaysa ilo ka tirsan madaxtooyadda dalka Chad ee dariska la ah Suudaan.


Chad, waxaa lagu sheegaa marinka hubka iyo taageerrada kale ee Imaaraadka uu siiyo kooxda RSF    Warbixintu waxay sheegtay markii ay u muuqatay RSF inaysan awoodin si dhaqso ah ama waqtiga loo qabtay inay kula wareegaan magaalada El Fasher, inay hadda billaabeen inay dahab ugu beddelaan Imaaraadka hubka ay ka helayaan , iyadoo dahabkan laga qodayo aagga Singo ee koonfurta gobolka Darfur. 


Shabakadda kale ee Africa Intelligence oo fadhigeedu yahay Faransiiska , inta badana ka hasha arrimaha sirdoonka ayaa dhankeeda ku warrantay in mar horaba uu Imaaraadka billaabay inuu hoos u dhigo taageerrada uu siinayay kooxda RSF, taa oo haddii ay dhacdo inay Abu Dhabi wada jarto ka hor dhammaadka sannadkan , ka dhigi karta kooxda RSF , kuwa aan awoodin inay la dagaallamaan ciidanka militariga Suudaan oo hadda taageerro badan ka helaya shacabka Suudaan, kaddib hab dhaqan xun, gabood-fallo, kufsi, dilal iyo xarig caqiib ah oo bulshada Suudaan ay kala kulmeen kooxda RSF. 

Fiiro gaar ah; 

Dawladda Imaaraadka Carabta , waligeed ma oggolaan inay taageerto RSF, mar kastana waxay Abu Dhabi beeninaysay inay taageerro hub iyo dhaqaalo siiso RSF.

Post a Comment

0 Comments