LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Garaad Cabdikariin Cali Nuur ahna Af-hayeenka dhaqanka Beelaha Daarood Ismaaciil iyo Meheri Ismaaciil oo ka hadlay maanta “Fadwo Siyaasadeed”.

 



Bislaami Al-raxmaani Al-raxiim.  


Laascaanood- Axad, November 2024.


Garaad Cabdikariin Cali Nuur ahna Af-hayeenka dhaqanka Beelaha Daarood Ismaaciil  iyo Meheri Ismaaciil oo ka hadlay maanta “Fadwo Siyaasadeed”.


waxaan qodobo koob kooban ka odhanayaa geedi socodka maamulka SSCKH iyo xidhiidhka kala dhexeeya dawlada federaalka soomaaliya. 


“caqabadaha ka jira maamulka SSC-khaatumo waxay ahaayeen kuwo laga baaqsan karayay”.


1- Dawlada federaalka ee soomaaliya waxay dagaal toosa la gashay maamulka SSC-khaatumo taas oo aan la garanayn waxa ku kelifay in dawladu maamulka SSC-khaatumo ee u dagaalamay ilaalinta midnimada soomaaliya ay la dagaalanto.

2- maleeshiyada goonigoosadka ah ee Hargaysa laga xukumo, markii ay dagaalka waxashnimada ah kuwaday dadka reer ssc dawlada dhexe waxa ay si toosa ula safatay dadka Hargaysa ka soo duulay, waxayna ka hiilisay dadkii reer SSC oo ka mid ahaa dadkii ay u dhaaratay.

3- shacabka reer SSC markii ay ka guulaysteen maleeshiyadii Hargaysa laga xukumayay deegaankoodiina ay ka sifeeyeen dawlada federaalka  Soomaaliya waxay ka naxday guushii ay gaadheen dadka reer SSC iyo walaalahooda harti, waxayna hoos u dhigtay guulihii ay gaadheen iyadoo ka xumaatay in maleeshiyada Hargaysa laga saaro Gobolada SSC. 

4- Dawlada federaalka Soomaaliya waxay ka gaabisay in ay la shaqayso maamulkii ay dhisteen dadka reer khaatumo, marka laga reebo wasiirkii hore ee arimaha gudaha haddana ah wasiirka arimaha dibada ee soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, oo isagu marwalba si masuuliyadi ku dheehantahay u gudanayay waajibaadka ka saaran umada soomaaliyeed ee uu xilka u hayo. 

5- Dawlada federaalka soomaaliya waxay si toos ah isu hortaagtay cidwalba oo doonaysay in ay waxkaqabato deegaanada SSC ee dhibaatadu ka dhacday, haday yihiin hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah iyo masuuliyiin badan oo kala gedisan. 

6-Dawlada federaalka Soomaaliya, waxay hoos u dhigtay oo qarisay khasaarihii baaxadalahaa ee ka dhacay deegaanada SSC oo lahaa dhimasho, dhaawac, Barakac, burbur hantiyeed iyo masiibooyin farabadan oo kale.

7- iyadoo intaas oo caqabad iyo dhibaato ah ay kala kulmeen dadka reer SSC  dawlada federaalka soomaaliya  kama gaabin hawlihii u yaalay iyo meelmarinta siyaasadeed ee maamulkooda iyo dib u dhiska deegaankooda, waxayna arintaasi ku sii dhiirisay in ay naf iyo maalba duldhigaan dhisida iyo galgaalbixinta maamulkooda. 

8- khaatumo waa maamul jira oo xuduudo la yaqaano oo mucayin ah leh, deegaanadiisana boqolkiiba sagaashan gacanta kuhaya.

9-Dawlada federaalka soomaaliya waxay mar labaad laba jibaartay dagaalkii ay kula jirtay maamulka SSC iyadoo weji kale isticmaalaysa, wejigaas oo ah in ay qayb ka mid ah xubnihii ku metelayay maamulka SSC dawlada federaalka soomaaliya ay ku qanciso in ay kala shaqeeyaan curyaaminta iyo lugooyada maamulka SSC. 


A) xubnahaasi waxay ku guuleysteen qorshihii ay dawlada federaalka soomaaliya u soodhiibtay si ay dadkooda ugu dhibaateeyaan. 


B) waxay dawlada federaalka soomaaliya xubnahaas ku amartay in ay magaalada laascaanood ka celiyaan madaxwaynihii hore soomaaliya mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo safar ku marayay maamulada SSCKH iyo puntland,  iyagoo u dhexmaraya madaxda ugu saraysa  maamulka SSC-khaatumo, sidaasna uu garoowe kaga noqday, dadka reer khaatumona aysan weli ogayn arintaas, madaxwayne farmaajana uu arintaas markii uu ogaaday uu ka gaabsaday.


C) waxay xubnahaasi ka shaqeeyeen in maamulka goonigoosadka ahi uu doorasho ka qabsado deegaano ay leedahay maamulka SSC-khaatumo weliba si nabad ah, iyadoo laga soo saaray ciidamadii halkaas joogay, xubnahaas oo dhexmaraya masuuliyiinta ugu saraysa maamulka SSC-khaatumo ayaa arintaas foosha xun ee lagu wiiqayo wada jirta maamulka SSC-khaatumo ka shaqeeyay.


D) waxay xubnahaasi ku guulaysteen in ay magaalada laascaanood iyo maamulka khaatumo keenaan dastuur ku sheeg aan heshiis lagu ahayn kaas oo kala fogaynaya umada soonaaliyeed, islamarkaana lid ku ah sharaftii iyo midnadii ay u dagaalamayeen reer SSC, waxaana marlabaad la xasuusankaraa hadalkii AHUN madaxwaynihii hore ee maamulka SSC-khaatumo, Dr Cali Khaliif Galaydh ee ahaa “Dalka xamar baa laga kala goynayaa”  kaas oo dhab u muuqanaya marka la eego ficilada iyo qaababka ay dawlada federaalka soomaaliya wax u wado, xubnahaas oo marwalba hagardaamada iyo dhibaatadaba u dhexmaraya masuuliyiinta ugu sareeya maamulka SSC-khaatumo. 


E) waxay xubnahaasi ku hawlanyihiin iska horkeenka iyo isku dirka beelwaynta Harti iyo maamulada khaatumo iyo puntland oo dagaalkii laascaanood u wada dhintay u wada dhaawacmay haddana ku wada jira. 


F) waxay xubnahaasi ku hawlanyihiin maamulka SSC-khaatumo in uusan horumarin goobaha siyaada lagu gorfeeyana aysan ka sheegan karin in maamulka khaatumo yahay mid la mid ah maamul goboleedada kale ee soomaaliya, waxaysan xubnahaasi fahansanayn in siyaasada ay xamar ka sooqadayaan isla markaana sii dhex marinayaan masuuliyiinta khaatumo ugu saraysa ay tahay mid dadkooda dib ugu celinaysa sheegashadii ay goonigoosadku ku sheeganayeen deegaanada khaatumo.  


G) waxaa kale oo xubnahaasi ku guulaysteen in dadka birmagaydada ah ee reer SSC-khaatumo ee lagu laynayo degmada ceerigaabo laguna laynayo guryahoodii qaab hayb ahaana in aan dawlada khaatumo difaacin kana hadlin ciidadamana laga soo fogeeyo si ay degmada ceerigaabo u noqoto mid nidaamka faasidka ah ee goonigoosadka ahi uu sii joogo. 


H) waxay weli ku hawlanyihiin shakhsiyaadkii ugu mudnaa halgankii laascaanood in ay ka horkeenaan dadka reer SSC-khaatumo, waxaana ka mid ah shakhsiyaadkaas. 

1-Madaxwaynaha puntland mudane siciid Cabdilaahi Deni.

2- madaxwaynihii hore ee khaatumo Axmed cilmi cismaan ahaana madaxwayne kuxigeenkii hore ee puntland. 

3- madaxwayne kuxigeenka puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor. 

4- Mudane cabdirisaaq khaliif oo ah mulkiilaha khaatumo,. iyo dhamaan shacabwaynaha reer punland iyo hartiga kale oo aysan weli jirin wax lid ku ah maamulka SSC-khaatumo oo ka soobaxay afkooda aan ahayn is garabtaag.


I) waxaa nasiibdaro ah shakhsiyaadka xamar jooga ee waxaas oo dhibaato ah ka shaqaynaya sitoosana golayaasha ay kujiraan loogaga hanbalyaynayo maamulka soomaali diidka ah iyo hogaanka wadani in ay madaxda sharafta leh ee beelwaynta Harti ee laascaanood horena dhiiga ugu shubay haddana diyaarka u ah ay kusheegaan horgalo, magacaas oo ay iyagu uga dhowyihiin, maadaama xubnaha xamar jooga ay ku fashilmee wixii loo idmaday iyo metelaadii.


J) maadaama xubnihii golayaasha DFS ku metelayay maamulka SSC-khaatumo qayb ka mid ah ay shaqadoodii moqotay  in  DFS ay u soo adeegsado dhibaatada dadkii ay metelayeen, sidee bay xaalada SSC-khaatumo noqonaysaa?! 


K) Masuuliyiinta ugu sareeya maamulka SSC-khaatumo waxay lixdii bilood ee ugu danbayay talada  ka qaadanayaan halmeel oo ah qayb ka mid ah xubnaha xamar jooga ee aan ka soo hadalnay,  mana jirto cidkale oo ay talada wax kasiinayeen. 


L) maamulkii SSC-khaatumo waxa uu hada u muuqdaa in ay bulshadu saarantahay falayt siyaasadeed oo aan lagaranayn meel uu ka degayo dariiqii uu ku socdayna ka leexday boqolkiiba sideetan80%, dadkana waxaa loodhiibay tikidho waxa ku qoran aan la garanayn, suuragalna uma aha in shacabku diyaaradaas hawada siyaasadeed ee khaldan gashay in ay baarashuudo ka wada goostaan, waxaase haboon in bayloodka lasaxo si uu ugu hago dariiqii saxda ahaa ee dadka ree SSC-khaatumo ay maamulkooda ugu talagaleen in uu maro markii talada lawadaagay. 


M) Haddaba waa ayo xubnaha ugu sareeya maamulka SSC-khaatumo ee masuuliyadaasi aabe iyo hooyo ay o dhanayso? maxaadse ka taqaaniin kuwa ay yihiin?

waxaan tilmaan ka bixinayaa sadexda xubood ee ugu sareeya hogaanka maamulka SSC-khaatumo. 

1-  madaxwaynaha maaulka SSC-khaatumo mudane

Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye.

2- Madaxwayne ku xigeenka maamulka mudane

Dr maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine.

3- Gudoomiyaha golaha baarlamanka SSC-khaatumo, mudane Jaamac yaasiin.


waxaan masuuliyiintan u leeyahay aqoon boqolkiiba boqol ah, waxaana ka mid ahaa shakhsiyaadkii ugu horeeyay ee soojeediyay in ay qabtaan xilalka ay hadda joogaan kuna guulaystay ilaahay mahadii, aniga iyo rag aanu saaxiibo nahay oo tirsan.


waxaanu ku dooranay aqoon, amaano, karti, hufnaan, cadaalad, go,aan, qadiyad iyo geesinimo oo ahayd tan ugu mudan markaas xaalada dagaal ee lagu jiray awgeed.  waxay ku guulaysteen iyaga iyo shacabkii ay hogaaminayeen in ay cadawgii ka sifeeyaan dhulkii uu dadka ku laynayay ee magaalada laascaanood, waana qodobkii ugu horeeyay shaqadooda oo ay ku guulaysteen kaas oo mudan  bogaadin iyo mahadcelin.  waxayna maamulka ku hogaamiyeen dhabadii horumarka ee loo baahnaa intii aysan gacanta u gelin shakhsiyaadkii aan ka soo hadlay. 


N) maadaama ay hoggaanka maamulku ahaayeen  kuwo hore loo soo mahadiyay maxaa ku kalifay in ay maanta taladoodu gacanta u gasho cid aan dadkan masiirkooda iyo mustaqbalkooda midna ka fekerayn, iyo dawlada xamar joogta oo dagaalka intaas balaadh le,eg inala gashay?! waa su,aal mudan in la iswaydiiyo. laakiin fekerka aan anigu qabo waa khatif siyaasadeed.


0)Hoggaankeena sharafta leh ee aynu idmanay waa ayo cidda labaad ay wax ka maqlikaraan? marka laga yimaado dawlada xamar ka jirta iyo xubnaha inaga golayaasha xamar inagu metela oo ah kuwa aynu u afduubanahay iyaguna dhibanaha ay u yihiin. 


P) Anigu garaad Cabdikariin ahaan waxaan garanayaa laba oday, labadaas oday oo ah ragii sodonkii sano ee la soodhaafay hargaysa fadhiyay oo ka dhibaataynayay beesha harti kuwaas oo isku keen soodhex tuuray xiligii halganka laascaanood socday,iyadaan la baadhin ciddina iskaan marin. 


Q) si aad u garataan waa labadii nin ee akhriyay doorashadii puntland warqadii ay ku qornayd 66-da xildhibaana sanad ha loogu daro xukuumadana ha la rido.  


         Gebogebo. 


waxaan kelmad dardaaran ah u soojeedinlahaa Raysal wasaaraha soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre, waxaa ku saaran masuuliyad wayn waxaadna raysal wasaare u tahay soomaaliya oo dhan gaar ahaan waxaad 4.5 ku meteshaa beesha daarood oo ah 18 malyuun.  waxay beeshu sooyeelatay Raysalwasaarahal gaadhaya dhowr iyo toban oo uu ugu horeeyay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Cabdirashiid Cali Sharmaake, aad adiguna ugu danbaysid kuwo kalena way imandoonaan.

waxaan kugula talinayaa in booskii ragaasi isu taagijireen guud ahaan soomaali iyo gaar ahaan cidda ay ku metelaan booska aad dib u milicsatid waxaana kaala dardaarmayaa raga intaas le,eg in aadan noqon ninkii ugu taariikhda xumaa. waxayna beesha daarood kugu qiimaynasaa meesha aad maanta doorashada kismaanyo iska taagtid aadna hanbalyaysid dhibaatadana ka daysid. 


          allaa mahadleh 

garaad Cabdikariin Cali Nuur 

ahna xubin ka mid ah golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo

Post a Comment

0 Comments