Doorashada isku -sidkan ee Somaliland ayaa heshay dareenka caalamiga ah iyo midka gudaha , iyadoo laga maqlay dadkii codka ka dhiibanayay inay doorashadan uga duwan tahay mid kasta oo hore oo ay codkooda ka dhiibteen. Waa markii afaraad ee shacabka Somaliland ay Madaxweyne ku doortaan codkooda. Sidoo kale waa markii saddexaad ee shacabku u codeeyaan ururrada siyaasadeed si loo helo saddex xisbi, sida uu qabo dastuurka Somaliland.
Qiyaastii dad ka badan hal milyan oo qof ayaa qaatey kaararka codbixinta, sida laga soo xigtey guddiga doorashooyinka. Sida laga bartey doorashadii hore 2017 oo ka qaybqaatayaashu ay gaarayeen 80%, waxaa la qiyaasayaa inay codeeyeen tiro laga yaabo inay ka badan tahay doorashooyinkii hore, waxaana goobaha codka ay ka dhiibteen dadweynaha ka billaabatay tirinta cododka.Codadka ugu badan ayaa yaalla gobolka Maroodijeex oo ay ka tirsan tahay caasimadda Hargeysa.
Tartanka ugu muhiimsan waa midka madaxtooyadda oo ay u tartamayaan,musharixiinta saddexda xisbi qaran ee hadda jira kuwaas oo kala ah:
•Muuse Biixi Cabdi , Madaxweynaha xilka haya oo markii labaad tartamaya, wuxuu ka socda Xisbiga Kulmiye.
•Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ka socda xisbiga mucaaraadka ah ee Waddani
•Faysal Cali Waraabe oo u tartamaya xisbiga mucaaraadka ah ee UCID.
Waxaa jira waxyaabaha gaar ah oo ka dhigay doorashadan, mid gobolka iyo waddamada xiiseeya arrimaha Somaliland ay diiradda saaraan;
• Doorashada oo muddo labo sanno ah dib u dhacday , waxay ka dhigtay waqtigan in loo qaato inay noqon karto mid ka mid ah doorashooyinka ugu adag ee ka dhacaya Somaliland , waqti dheer kaddibna doorashada ayaa loo qabtay hab isku-sidkan si loo helo madaxweynaha iyo saddexda xisbi ee doorashada xigta ku tartamaya.
• Cod-bixiyaasha mucaaradka gaar ahaanna xisbiga Wadani oo sameeyay isbahaysi siyaasadeed qaar ka mid ah toddobo xisbi oo tartamaya, ayaa sare u qaaday rajadooda inay ku guuleysan karaan doorashadan.
• Marka xigta , doorashada ayaa si ka duwan doorasho kasta oo hore waxay leedahay saameyn caalami ah , iyadoo ay jiraan daneeyaal shisheeye oo eeganaya natiijada, sabab la xiriirta isbeddellada ka dhacaya gobolka, marxaladda ay doorashada ku soo aaday iyo doonista dalal dhowr oo iskudayaya inay saameyn ku yeeshaan arrimaha Somaliland.
• Waxyaabo ka jira gudaha ayaa doorashada sidoo kale ku soo jiiday dadweyne badan inay codkooda ka dhiibtaan.
Doorashada waa mid adag;
Qiyaasaha ayaa mar horaba sheegaya xilli ay hadda socoto tiranta cododka goobaha in labada musharrax ee madaxweynaha talada haya; Muuse Biixi iyo Cabdiramaan Cirro inay yihiin labada musharrax ee ugu cadcad.
Si ka duwan waqti kasta oo kale, xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa laga arkay inuu culeyskiisa ku tuuray gobollada ay ku xooggan-yihiin cod-bixiyaasha mucaaraadka iyo gobolka ay ka tirsan tahay caasimadda, isla istiraatijiyadaa waxaa laga arkay xisbiga mucaaraadka ee Waddani oo si weyn oo uga ololeynaya gobollada ay cododka badan ka helay xisbiga Kulmiye — deegaannada ka tirsan gobollada bariga iyo bulshada ka soo jeeda ee ka codeynaya goobaha kale ee Somaliland ayaa sannadkan sidoo kale loo arkayaa kuwa saameyn leh ,kuwaasoo qaarkood waqti hore aan go’aamin musharraxa ay u codeynayaan.
Labada xisbi ee la filayo inay codod badan helaan ee Kulmiye iyo Waddani ayaa sidoo kale si ka duwan doorashadii hore waxay tirsanayaan codod uga imaanaya ururrada kale ee u tartamaya inay noqdaan xisbiyo,kuwaasoo isbahaysi la sameystaan labadan xisbi ee doorashada madaxtooyadda ku tartamaya.
Doorashada waa mid adag sida la qiyaasayo, balse waxaa sarreysa filashada in codod badan labada musharrax ee ugu sarreysa tartanka madaxweynaha ay ku kala badin karaan.
Natiijada ayaa isbeddel u gogol-xaaraysa;
Kaddib doorashadan, waxaa la filayaa inay wajihi doonto Somaliland isbeddel waa weyn , xilli ay jirto arrimo uga baahan madaxweynaha guuleysta inuu go’aamo ka gaaro oo ay ugu horreyso heshiiska Itoobiya ee khilaafka ka dhex dhaliyay Addis Ababa iyo Muqdisho, wallow saddexda musharrax ee tartamaya xilka jagada Madaxweynaha ay si weyn u taageersanyihiin is -afgaradka ay Somaliland la gashay Itoobiya, kaasoo aan la gaarin dhqangelintiisa. Waxaa jira dareen kale oo ah in xiisadda ka taagan badda cas ay siin karto Somaliland dareen ay ku soo jiidato dhinacyada ku dagaallamaya iyo inay ku hesho haddii la horumariyo siyaasadda dibadda , mudnaan diblumaasiyadeed oo ay gorgortan siyaasadeed ku gali karto.
Sida ay cirib-tir siyaasadeed doorashadan u dhalin karto;
Natiijada ka soo baxda doorashada isku-sidkan ee Somaliland , ayaa burbur siyaasadeed u horseedi karta xisbiyada tartamaya, waxaa badan surtagalnimada inuu isbeddel ku yimaado saddexda xisbi siyaasadeed ee hadda jagada madaxweynaha u tartamaya, mid kasta oo ka mid ah haddii uusan xagsan boostiisa, taasi waa burbur mana jirto doonto fursad dhow oo salaanka uu ku soo kori karo. Guusha uu doorashada ka gaaro xisbiga Kulmiye iyo musharraxdooda Biixi, ayaa dhalin karta isbeddel siyaasdeed oo siyaasiyiin , xisbiyada iyo ururrada tartamaya ay ku wajahi karaan hoos u dhac dhalin kara inay lunto saameyntooda siyaasadeed, xisbiga Kulmiye oo labadii doorasho ee u dambeysay ku guuleystay, wuxuu markan doonayo haddii uu guuleysto tallaabooyin ay ku xoojinayaan xukunkooda illaa go’aammo aysan horey u gaarin Somaliland oo markaa la arki karo.
Sarkaal ka tirsan xisbiga Kulmiye , wuxuu ii sheegay inay diyaariyeen inta badan ajandahooda siyaasadeed , haddii ay xukunka ku guuleystaan,isagoo markaa leh; ‘waxaan jari doonaa, masaafo dheer oo aan ku gaareyno caalamka, si aan Somaliland uga dhigno dal’.
Qof ku dhow xisbiga Waddani, gaar ahaanna musharraxa u tartamaya xilka madaxweynaha oo aan la hadlay caawa marka la soo xiray inta badan goobaha cod-bixinta , wuxuu ii sheegay in Waddani ay sameeyeen ololihoodii ugu xooggana oo ku suntan isbeddel, wuxuu muujiyay dareenka ay ku heli karaan codka dhallinyarada, oo uu ku sheegay inay u ahaayeen ururka Waddani bartilmaameedka, sabab la xiriira in qorshaha siyaasadeed ee Wadani uu diiradda saarayo, horumarinta gudaha oo dhaqaalaha , dib u heshiisiinta iyo siyaasad deggan oo Somaliland u suragelin karta isbeddel waxtar ah. Si la mid ah Kulmiye — xisbiga mucaaraadka ah ee Waddani waxay dhankooda ballaariyeen si ka duwan doorashadii hore siyaasadooda dibadda oo ay u arkaan marxalada waqtigan ee mandaqada iyo duniddaba inay Somaliland siin karto fursad ay ku gaari karto isbeddel diblomaasiyadeed oo ay ku helayso inay ku taallo goob istiraatiji ah u suragelin karta inay hesho mudnaan diblomaasiyadeed oo aysan horey u helin.
Labada xubnood ee aan la hadlay ee labada xisbi waxay ka gaabsadeen inay wax iga sheegaan qorshaha ay kula xaajoonayaan dawladda Federaalka ee Soomaaliya, siyaasadood dhinaca ku aaddan iyo haddii ay jirta inay dib usoo celinayaan wada-hadalladii . Sarkaalka Kulmiye , wuxuu i tusay dareenka ah inaysan hadda miiska u saarneyn arrinta wada-xaajoodka Muqdisho oo waqtigan ay aad u kala fogaadeen, tan iyo is afgaradkii Jannaayo lagu saxiixay Addis Ababa.
Ugu dambayntii, suurtagal maaha in la hubo cidda ku guulaysanaysa doorashada, iyadoo hadda ay socoto tirinta cododka goobaha, si kastaba ha ahaatee, inta badan ra'yi ururintu waxay muujinayaan in cododka illaa hadda la tiriyay uu jiro farqi weyn oo laga arkay in goobaha labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani inay codod badan u kala dhaxeeyaan, meelaha qaar waxay u muuqata inay midba midka kale codod badan kaga sarreeyo.
Guud ahaan isu gaynta natiijooyinkaas kala duwan ee heer goobeed, heer degmo iyo heer gobol, ayaa qaadan karta toddobaad , sida laga maqlay guddooniyaha guddiga doorashada. Laakin waqtigaa ka hor waxaa la heli karaan natiijada hordhaca ah ee laga helayo goobaha.
0 Comments