MADAXWEYNIHII HORE EE SOMALILAND AXMED SIILAANYO OO GEERIYOODAY.
Magaalada Hargeysa waxaa calay ku geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland
Somaliland oo xaqiijiyay geerida Marxuum Siilaanyo ayaa sheegay in maalinta Isniinta lagu aasi doono magaalada Hargeysa.
Inta badan waxaa ka tacsiyeeyay Madaxda Soomaalida. Waxaana kamid ah.
Madaxweynihii hore Somaliya Maxamed Abdullahi farmaajo
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun
Waxaan qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyaynayaa geerida ku timi, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.
Marxuumka oo muddo dheer u soo shaqaynayey dalka, ayaa xilligii Dowladdii Rayidka ahayd ka mid ahaa madaxdii Wasaaraddii Qorshaynta Qaranka oo uu qabtay xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, isaga oo sidoo kale, xilligii dowladdii dhexe wasiir ka noqday Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka, Ganacsiga iyo Guddiga Dhaqaalaha Qaranka oo uu hoggaamiyey.
Waxaan Allaah u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Marxuumku.
Dowladda federaalka Somalia
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MADAXWEYNIHII HORE EE SOMALILAND
Muqdisho, Nofeembar 15, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud shacabka Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa.
Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa xusay doorkii taariikhiga ahaa ee Marxuumku kasoo qaatay u adeeggidda iyo horumarinta dalkiisa, gaar ahaan meertadiisii hoggaaminta Wasaaradaha Qorsheynta iyo Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, isaga oo sidoo kale ku suntanaa kaalintiisii lama ilaawaan ee furitaanka albaabka wada hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.
“Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa. Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka, innaga oo ku xasuusanayna sida ay uga go’nayd dib usoo celinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo uu door lama ilaawaan ah kulahaa furitaanka wadahadallada DFS iyo Somaliland”.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowso, sabar iyo iimaanna uu ka siiyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
Madaxweynaha puntland Siciid Deni
Waxaan ka tacsiyeeynayaa geerida Allaah ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ku geeriyooday Hargeysa, wuxuu ahaa odey Soomaaliyeed, masuul xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladda Soomaaliya.
Allaah ha u naxariisto oo janadii ha geeyo, geeridiisa waxaan uga tacsiyeeynayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday.
Bahda MC2 News Somali waxay tacsida laqeybsanayaan qoyskiisi caruurtii sii iyo guud ahaan gayiga soomaalida.
0 Comments