Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, kadib safar shaqo oo uu dibadda ugu maqnaa.
Munaasabadda soo dhoweynta ah waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka J.F.S, Xoghayaha Joogtada ah, Danjirayaal, Oday dhaqameedyo, Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda iyo qaar ka mid ah howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr Mohamed Hassan Mohamed aya la yeeshay kulan is xog-wareysi ah qaar kamid ah dhaqaatiirta iyo guud ahaan bahda caafimaadka ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.
Wasiirka ayaa u sheegay in Wasaaradda Caafimaadka ay ka go’an tahay isla markaana diyaar u tahay in ay la wadaagto ama ka tala geliso fikradaha wax dhiska ah dhammaan daneeyayaasha horumarinta caafimaadka Dalka si ay qayb uga noqdaan dadaalada kor loogu qaadayo adeegga caafimaadka dalka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada XFS Amb Khadiija Mohamed Al-makhzoumi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS ayaa warbixin ka siisay Duqa Magaalada Muqdisho halka uu marayo dhaqan gelinta ololaha dalka looga joojiyey Bacaha halka mar la isticmaalo, dhibaatada ay deegaanka ku hayso iyo xaaladaha caafimaad darro ee ka dhasha, ayadoo dhinaca kalena ay ka mahad celisay sida maamulka gobolka Banaadir kaalintooda uu u qaatay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa bogaadiyay dadaallada ay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya ku joojisay Bacaha halka mar la isticmaalo, taasi oo dhibaato weyn ku heysa Caafimaadka, Deegaanka iyo Bilicda Caasimadda waxaana uu Guddoomiye Madaale ballan qaaday in Dowladda Hoose ee Xamar ay si buuxda ula shaqeyneyso Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 26-aad ee Cali Ibnu Abii Daalib ayaa howlgallo sifayn ah ka sameeyay aagga deegaanka Dhagaxyaale oo hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud
Deegaanka Dhagaxyaale ayaa ah deegaan maalmo ka hor Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xooggan , iyadoo la bur buriyay godad ay ku dhuumaalaysanayeen si ay uga soo abaabulaan weerarada gurracan ee ay dadka ku dhibaateeyaan.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay Lataliyaha dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ee Safaarada Mareekanka ee Soomaaliya Flannery Robert.
Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga amni ee labada dal, Qorshaha Dowladda Federaalka iyo Saaxiibada caalamiga ah ee ku aadan ciribtirka Argagaxisada iyo Tayeynta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
0 Comments