LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Wararka maanta 1/11/2024



Ugu horeeyn Guddiga Wuxuu warbixin ka dhageystay dhammaan Taliyaasha iyo wasiirada shirka ka soo qeyb-galay iyagoona faahfaahiyay daruufaha ciidanka ku gadaaman iyo in kororka miisaaniyadda sanadkaan loo wareejiyo dhanka ciidanka.

Gaba-gabadii Guddoomiyaasha Guddiyada Maaliyadda ee Labada  Aqal ee BJFS oo kulanka soo xiray ayaa u sheegay in Xaquuq u halida Ciidanka ay muhiim tahay ka guddi ahaana ayna diyaar u yihiin in ciidanka Xuquuq loo 

              Wararka maanta 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo xiray kulan cilmiyeedka afaraad ee Xarunta Cilmi-baarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid, kaas oo sanadkaan looga hadlay mowduuc la xariira Dastuurka iyo Haybta Soomaaliyeed.


Kulanka oo ay ka qayb galeen culumaa’udiin, aqoonyahanno, xeel-dheerayaal arrimaha Dastuurka, iyo xubno matalayay bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa laga soo saaray warmurtiyeed ku saabsan qodobadii lagu lafa-guray muddadii uu kulanku socday.


Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta dhagax dhigay xerada cusub ee Ciidanka La dagaalanka Argagixisada ee Galeyr ee Booliska Soomaaliyeed.

Dhismaha Xeradaan ayaa loogu talo galay in lagu tababaro ciidamada gaarka ah ee booliiska, kuwaas oo loo diyaarinayo inay qaadaan howlgallo adag oo lagu xaqiijinayo amniga bulshada.

Xeradaan cusub ayaa astaan u ah dadaalka lagu xoojinayo awoodda iyo tayada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, si ay awood ugu yeeshaan ka hortagga iyo la dagaallanka falalka argagixisada.

                     Puntland 

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor oo uu weheliyo Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Mario Dacco, ayaa Shir-Guddoomiyey Kulan Dowladdu uguso bandhigtay Safaarada  Talyaaniga Qorshaha horumarinta Puntland.


Garoowe: 30 October 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor oo uu weheliyo Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Mario Dacco, ayaa Shir-Guddoomiyey Kulan Dowladdu uguso bandhigtay Safaarada  Talyaaniga Qorshaha horumarinta Puntland.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland iyo Hay’adaha Dowladda ee ku shaqo leh Mashaariicda, ayaa lagu soo bandhigay qorshaha horumarinta Puntland si loogu jaangooyo mashaariicda Dowladda Talyaanigu ka taageerto Puntland.

Garoowe: 29 October 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Osman  Lugatoor, ayaa caawa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigay qorshaha diiwaangelinta dadweynaha Puntland oo muddo laga soo shaqeynayey, kaasi  oo Dowladda Puntland ay ka taageerto Dowladda Talyaaniga, iyadoo Kulanka uu ka qeybgalay Safiirka Italy ee Soomaaliya Amb. Pier Mario Dacco. 

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay shaqada la qabtay ee lasoo bandhigay iyo tan la qorsheeyay ee ku saabsan hanaanka diiwaangelinta dadweynaha Puntland. Wuxuu muujiyey in habkan ay Puntland kala  mid noqonayso wadamada horumaray isagoo uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga doorkooda barnaamijkan.

Qorshaha diiwaangelinta dadweynaha Puntland oo ah mid qofkasta loogu sameynayo (Tirsi) Lanbar u gaar ah ayaa lagu billaabaya Caasimadda Garoowe kadibna laga wada hirgelinayaa guud ahaan Puntland, waxaa sidoo kale ka mid ah qorshaha in sumad aqoonsi loo sameeyo Guryaha iyo Wadooyinka magaalooyinka.

Waxaa munaasabadda kasoo qeybgalay Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, Goleyaasha Dowladda PuntlaHoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta, Cabdimaalik Al Xuuti, ayaa maanta sheegay inay beegsadeen 202 markab oo xiriir la leh Israa’iil, Mareykanka iyo Ingiriiska , intaa uu socday howlgalka ay ku xannibeen badda cas, wuxuu tilmaamay inay hadda billaabeen wajiga shanaad ee howlgalka ay ku taageerrayaan Qasa, oo uu ku sheegay mid ka ballaaraan afartii waji ee hore.nd, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo Marti sharaf kale .


        Wararka Caalamka 

Hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta, Cabdimaalik Al Xuuti, ayaa maanta sheegay inay beegsadeen 202 markab oo xiriir la leh Israa’iil, Mareykanka iyo Ingiriiska , intaa uu socday howlgalka ay ku xannibeen badda cas, wuxuu tilmaamay inay hadda billaabeen wajiga shanaad ee howlgalka ay ku taageerrayaan Qasa, oo uu ku sheegay mid ka ballaaraan afartii waji ee hore.


Post a Comment

0 Comments