LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Waa kuma Axmed Madoobe Madaxweyne Jubbaland

Taariikhda Madoobe Axmed yaraha 2sano kadib xasuustay Maqamka Daarood

Siyasada Axmed madoobe sideedaba waa mid aan lahayn Sxbtinimo Siyasadeed balse leh Dan Siyasadeed,Marka lajoogo koonfurtan Axmed waa Yeeke turubka

Sikale waa laandheere siyasadeed

Sxbkeen Axmed 2Sano iyo dheeraad xasan joogay waa uu lasoo shaqaystay macaan haduu xasan lahaana waa soo muudsaday

Balse waxaa lagaaray gabagabadii dhamaadkii macaanka Xasan,

Axmed yare oo caan ku ah inuu necebyahay kharaarka macaanku haduu dhamadana uu sidii Laf canbihii kadhamaday ituuro ayaa lagaaray wakhtigiisi,

Waxyar hadaan dib idiin celiyo🏃🏿‍♂️⏰

Axmed yare oo ay sxb dhow wada ahaayeen Abdirahman Faroole wakhti adagna soowada qaateen maalinkii Faroole macmacanku ka dhamaday Axmed sidii laf cabaa buu tuuray Xataa waxaa muran galay 2da oday inay is aqoon jireen iyo inkale. Faroole oo meel fagaare ah ka khudbaynaya xasuustayna Qaniinyada axmedkii uu siday 

Ayaa yiri (Fuusto waxkujira aanan aqoon baan dilindilaynayey) Waxaa yimid Abdiwali Ali gaas oo Fresh ah aaminsana Axmed yare inuu yahay nin fiican garabna kusiiyey katakhalusida faroole halkaas waxaa ka bilowday waayahoodi wanaagsanaa,

Waxay galeen dagaalo adag oo ay lagaleen Xasan ayax iyo farmajaba waxayna gaareen guulo waawayn oo ay mahdiyeen,

Sidii cadada ahayd waxaa soogaba gaboobay maalmihii quruxsanaa ee Abdiwali Axmed yarana kama leexan dabeecadiisi ahay wixii cusub calamkaa jecel, Waxa uu turaantureeyey sxbkii ay 5sano sowada jamhadeeyeen waxa uuna ushiday cajilad meeriskeedu yahay by by,

Waxaa soobaxay oo ladoortay Said abdulaahi Daniga maanta hugaanka u haya puntland Sidii ookale Axmed yare iyo said waxaa u bilowday 5sano oo hayaan ah oo aad u adag,

Said waxa uu kusoo beegmay Farmaajo oo awoodleh Axmedna ay cadow isku yihiin Waxa uu dhinaca saaray Axmed yareWaxaa lawada galay dagaal kharaar ilaa ay gaartay Axmed oo cir iyo dhul laga cunaqabateeyey inuu qabsaday doorasho

Said oo raba inuu kaqayb qaato caleema saarka inuu kaduulay garoowe dowladii dhexana ay Radeerkii hagayey diyarada ka dansato ogow Diyarad aan radeer hagayna waa wax aan inaba caadi ahayn oo is qarxin ah, Said inuu kismanyo gaaro dadaal dheer waxay ku qadatay 8saac, ogow Frunkfort iyo Garoowe baa diyaradu usocotaa 6saac 

Sida aan xogta ku helay ilaa 7jeer buu Pilot✈️ usoo baxay qaybta rakaabka oo uu siciid kuyiri khatar weeye safarkaani xataa jidka aan marayno magaranayo in diyaradkale kusoo jirto, Balse siciid jawaabtiisu waxay ahayd kismaanyo meel aan ahayn ha igu dajin

Ugudanbayn Siciid tag kismaanyo sxbkii axmedna Damaashaade oo xafladayste. Dani waxa uu kaduwanaa sxbadii axmed ee hore inta aan lagaarin dhamaadka macaankiisa wax uu isku dayey inuu noqdo madaxwaynaha soomalia asagoo aaminsan 

inuu garab lahelayo sxbkiis Axmed yare oo uu in badan naftiisa u huray, markuu usoo bandhigay damaceesi xamar Axmed yare jawaabtii uusiiyey sxbkay waxay ahayd (Boqor majiro qof kaamudan kursigaan Aniguna waan ku garabtaagnahay hadaad meeshan noo fariisatidna Soomali iyo aniga iyo adiguba waa hodmaynaa garabkagana ahay waana hubaa inaa guulaysanaysid Laashaki)

intaas kadib Dani waa isasharaxay hoolka markii lagalayna waxa uu arkay Axmed yare oo Xasan shiikh ah waabaa ku baryey Dani, lagukala adkaa doorashadii sacaduna waxay kusii siqday dhamaadka wakhti xileedkii dani ee puntland 

Dani oo u caraysan sxbkii Axmed yare loolankii Muqdisho ayaa markale indhaha ku dhuftay Axmed oo rasaas iyo lacag uqaybinaya mucaarad hubaysan oo kasoo horjeeda Dani, Waxay ku noqotay amakaag iyo afkalaad,

Rag ay 2daba sxb ahaayeen ayaa utahay Axmed yare oo kuyiri sxbkaagi abaalka kugulahaa xiliga adagna ku garabtaagnaa ee aad Xamar ku jabisay maxaad markale utooganaysaa?

Waxa uu ku jawaabay 

(Nimanyahow siyasadu sxb joogtaa maleh ee Dan joogtaa bay leedahay, Qof aad mudo wada shaqayseen oo dabeecada bartay waxaa u fududaanaysa sidii uu adiga kuu cuni lahaa hadii aadan adigu cunin,

Taasina waa Qaacidadii aan Faroole iyo Gaas u xeerin waayey, 

Siciid danina asagu waaba ka gooni oo waa ninka kaliya oo asagoo nool i arkay inaan ahay dilaa siyaasadeed wuuna iiga xanuun badanyahay kuwa ayagoo dhintay <kursiga waayey> i arkay) ugu danbayn Dani waa soo laabtay waxa uuna noqday qofka kaliyee yaqaan Laadirka.

Gabagabadii

Axmed yare oo maanta leh puntland halakeeno macnaheedu inuu ogyahay inaysan puntland imaanayne uu Xasan isbaaro uu kagatago oga dhigayo madama xasan aan wax macaana ugu harin

sida mamulada yar yar ee lajoogana uusan ahayn oo Asagu caanashubkiisa cid ka khaskhashadi karta uusan ku ogayn 1kii magaalo oo uu haystay,

Axmed waxa uu arkaa waxa laleyahay saxiix qofka 1aad ee ku dhimanaya inuu yahay Asaga caano shubkuna meesha kabaxayoIntaas waxaa noogusoo dhamaday casharkii Axmed yare 


Post a Comment

0 Comments