Dalxiisayaal ajaanib ah oo ka kala yimid daafaha caalamka ayaa soo gaadhay degaanada SSC-Khaatumo, kuwaasi oo maray degaano kala duwan oo ay kamid tahay degmada taariikhiga ah ee Taleex.
Dalxiisayaashan ayaa sheegay intii ay marayeen dhulka SSC in ay ku arkeen Amni buuxa iyo soo dhawayn kala kulmeem shacabka SSC.
Wararka maanta
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DHAGAX DHIGAY XAAFAD CASRI AH OO LAGA HIRGELINAYO MUQDISHO
Muqdisho, Oktoobar 15, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xaafadda casriga ah ee Xeebta Luulka, taasi oo ay magaalada Muqdisho ka hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in hirgalinta mashruucani uu tusaale u yahay soo kabashada dalka, isla markaana uu weji cusub u yeelayo dowladnimada Soomaaliyeed, isaga oo faray dhammaan hay’adaha dowladda in ay ku garab istaagaan ganacsatada Soomaaliyeed sidii uu u guuleysan lahaa mashruucani.
“Dhismaha xaafaddan waa billowga Soomaaliyada cusub ee dib u qaabaysa dowladnimadeeda, isla markaana la tartamaysa adduunyada. Ganacsatada Soomaaliyeed ha aaminaan dalkooda, hana garab istaagaan dowladda iyaga oo bixinaya canshuuraha ku waajibay, si aan uga soo kabano dhibaatooyinkii na gaaray.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidooda ku aaminay dalka, kuwaasi oo ka qayb qaadanaya maalgashiga mashaariicda waxtarka badan u leh bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna ku booriyay in ay xoogga saaraan garab istaagga dowladnimada Soomaaliyeed, si loo gaaro isku filnaansho qaran.
Wararka Caalamka
Madaxweynaha Faransiiska , Emmanuel Macron ayaa la sheegay inuu ka sheegay shirka golaha wasiirrada ; “Netanyahu waa inuusan iloobin in dalkiisa uu ku dhismay qaraar uu Qaramada Midoobay meelmariyay.” Tani waa hadal uu uga dan lahaa in looga baahanyahay Israa’iil inay u hoggaansanaato go’aamada Qaramada Midoobay.
Balse, si dhaqso ah xafiiska Netanayahu ayaa soo saaray qoraal loogu sheegayo Macron , inuusan ahayn qaraarkii meel mariyay dhismaha maamulka Israa’iil
Sannadkii 1947, golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa dhulka Falastiiniyiinta labo u qeybiyay; dawlad YH ah iyo dawlad Carbeed , waa maalinta uu soo bilowday fashilka diblomaasiyadda Carabta, balse hadda Israa’iil ayaa QM oo dhistay
burburinaysay, iyadoo si ula kac ah ciidanka Qaramada Midoobay ee ku sugan Lubnaan ay ku dhimanayaan kuna dhaawacmayaan xabbadaha ciidanka Israa’iil, waligeedna
Israa’iil uma hoggaansamin go’aamada QM, illaa hadda ay burburisay dhammaan shuruucdii aadanaha, taa oo hadda ku dhaweynaysa bani’aadamka inay ku dhaqmaan sharciga kaymaha oo ciddii xoogleh ay burburin karta wax kasta oo ay ka talaabsan karto.
Madaxweynaha Turkiga, Erdogan wuxuu joogteeyay inuu sheego Israa’iil inay khatar ku tahay xasilloonida Turkiga, waxaa u dambeyay markii uu maanta mar kale sheegay inuu qof kasta ogeysiinayo Israa’iil inay iskudayayso inay waxyeelayso Turkiga, taa oo jirta ayaa waxyar ka hor waxaa ka soo baxay sirdoonka Israa’iil hadal ay ku
sheegayaan in Turkiga xarumo ku yaalla oo ay Xamaas ku leedahay inay ka socoto diyaarinta weerarro ka dhan ah Israa’iil, tani waxay noqon kartaa calaamad muujinaysa inay Israa’iil iskudayso gudaha Turkiga inay howlgallo ka fuliso , hadalkan u dambeyna uu noqonaya cududaarka tallaabooyinka diyaarsan!
Hagaag, barnaamijka habeenimo ee ka baxa bartayda Youtube,waxaad ku maqli doontaa ; nooca weerar ee ay Israa’iil ku qaadi karto Turkiga iyo awoodda uu u leeyahay inuu iska caabiyo;
Ciidanka Suudaan ayaa saacadihii hore ee saakay duqeymo xooggan ka geystay garoonka diyaaradaha magaalada Nyala ee koonfurta Darfur oo ah midka ugu muhiimsan ee ay adeegsadaan RSF, iyadoo duqeymaha ay socdaan tan iyo saacadihii dambe ee xalay illaa saakay.
Balse, waxyar kaddib duqeynta diyaarad aan la aqoonsan ayaa la sheegay inay ka soo degtay garoonka oo muddo saacad ah joogtay, sida laga soo xigtay shabakadda Darfur 24.
0 Comments