LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

SOOMAALIYA IYO ERITREA OO KA ARRINSANAYA XASILLOONIDA GOBOLKA.

Asmara Oktoobar 09, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaas oo ay uga billaabantay booqasho shaqo oo rasmi ah.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Asmara International Airport waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Eritrea, Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan dowladda Eritrea.

Booqashada Madaxweynaha ayaa ku saleysan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iskaashiga dhaqaale, amni iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

            Xaalada Bariga Dhexe

Iran ayaa sheegtay haddii ay Mareykanka iyo Israa’iil duulaan dhulkeeda ku soo qaadaan oo ay isku dayaan inay burburiyaan awoodda militari ee ilaalada kacaanka, inay wali awood u leeyihiin inay ka taqlusaan Israa’iil, iyagoo ka soo weerarraya meel ka baxsan 

dhulka Iran oo ay sheegeen inay yaalaan hub ku habboon inay meesha ka saaran kaabayaasha Israa’iil, sida u sheegay la-taliyaha taliyaha ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran,Ebrahim Jabbari oo la hadlay wakaaladda wararka ee Tasnim. 

Wuxuu intaa ku daray ; “Maraykanku kuma dhiiran karo inuu dagaal nagu qaado… Waxaan leenahay awood fidsan oo  ballaaran, haddii meel la beegsado, waxaan leenahay meel kale oo aan weerar ka fulin karno.”

Sida laga soo xigtay telefishinka Skynews 130 askari oo ka tirsan ciidanka Israa’iil ee ku sugan gudaha marinka Qasa ayaa warqad wadajir ah u diray wasiirka difaaca Israa’iil , Yoav Gallant iyo Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Netanyahu iyagoo ugu hanjabay inaysan dagaallami doonin haddii aan heshiis lagu sii deynayo maxaabiista lala gaarin Xamaas.  

Warqada ay qoreen askarta ayaa lagu sheegay; “Sii wadida dagaalka Qasa ma aha oo kaliya dib u dhigista soo celinta maxaabiista, laakiin waxay sidoo kale khatar gelinaysaa noloshooda…. Hadday dawladdu wax ka beddeli weydo oo ay ka shaqayn waydo heshiis la gaaro, ma sii shaqayn doono.”


Dalalka Carabta ayaa wada-hadal qarsoodi ah la billaabay Iran , faahfaahinta ku saabsan ceelasha gaas Israa’iil ee la xiray, Shiinaha oo hadal ka soo saaray colaadda bariga dhexe, cabsida laga qabo dagaal gobolleed ka qarxa bariga dhexe oo sare martay iyo warar kale

Netanyahu ayaa lagu warramayaa inuu diidday wax faahfaahin ah inuu Mareykanka ka siiyo nooca jawaabta ay ka bixinayaan weerarka gantaallada Iran, halka wasiirka difaaca oo u socdaali lahaa Mareykanka uu joojiyay Netanyahu, sababo la xiriira inuusan 

wax hor dhac ah ka sheegin nooca weerarka ay ku qaadayaan Iran , sida u sheegay wargeyska Wall Street Journa oo intaa ku daray in Mareykanka uu hadda waydiiyay Israa’iil, haddii ay awoodaan inay isku filnaadaan oo kaligeed iska difaacaan nooc kasta oo weerar oo ay la kulmi karaan , kaddib markii ay qaadaan weerar aysan ogeysiin Mareykanka oo ka dhan ah Iran. 

Fiiro gaar ah; 

Biden ayaa hadda la sheegay inuu wada-hadal kula yeelan doono telefoonka Netanyahu, mase jirto wali rajo badan oo laga qabo inuu Netanyahu sheego faahfaahin badan oo la xiriirta nooca weerarka ay Iran ku qaadayaan. Ma cadda haddii uu arrintan uga dan leeyahay Netanyahu inuu qorsheynayo weerar weyn oo dhalin kara dagaal gobolleed

Weerarro ayaa ka dhacay xarumaha gaaska ee Israa’iil ee ku yaalla xeebta Mediterranean-ka, halkaa oo ay maamusho shirkadda Mareykanka ah ee Chevron, kaddib iskudayo weerar oo lala beegsaday ceelasha gaas ee ku yaalla Mediterranean-ka, 

waxaa la joojiyay dhammaan shaqadii halkaa ka socotay illaa laga gaarayo April,2025, sababo la xiriira weerarrada ay ceelashan la kulmayaan iyo xiisadda dagaal, sida laga soo xigtay wargeyska Israa’iil ee Walla. 

Fiiro gaar ah; 

Tani ma aha wax caadi ah, sababtoo ah joojinta shaqada ceelashan ayaa si dhaqso ah saameyn ugu yeelanaysa dhaqaalaha Israa’iil, sidoo kale tani waxay daah qaadaysaa inay dhacaan weerarro lagu curyaaminayo dhaqaalaha Israa’iil oo maamulka Tel Aviv uu qarinayo.

Waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon ayaa ku dhawaaqday inay bixinayaan dadaal la xiriira sidii ay bariga dhexe uga badbaadin lahaayeen dagaal gobolleed uu qarka u saaranyahay. 

Fiiro gaar ah; 

Waa markii u horreysay oo Pentagon uu si rasmi ah u sheegayo dagaal gobolleed ka dhow bariga dhexe, tan oo lala xiriirinayo xiisadda Iran iyo Israa’iil.

Baarlamaanka Turkiga ayaa maanta yeeshay kulan albaabadu u xirnaayeen , sida uu maqlay qof kasta oo la socday barnaamijka habeenimo ee bartayda YouTube aan ku baahiyay,kulankan wuxuu ciwaankiisu ahaa ‘ qabsashada Israa’iil ee Lubnaan iyo xaaladda bariga dhexe ‘, wax kasta oo kulanka ku saabsana looma soo bandhigo doono muddo 10 sanno ah dadweynaha, sida ku qoran xeer hoosaadka Baarlamaanka Turkiga. 


Wasiirka arrimaha dibadda iyo difaaca ayaanna hadal u jeediyay Baarlamaanka, balse Ozgur Ozel, oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ugu weyn Turkiga ee CHP , ayaa kulanka ka baxay isagoo sheegay inan wax cusub loo sheegin oo ay sugayeen faahfaahin badan. 

Maxaa loo qabtay kulanka?

Xisbiyada mucaaradka ayaa dalbaday kulankan albaabada ay u xirnaayeen oo warbaahinta iyo goobjoogayaasha laga fogeeyay, iyagoo raadinayay mucaaraadka inay helaan sharraxaad ku saabsan hadal laga maqlay Madaxweynaha Turkiga, Erdogan oo sheegay inay Israa’iil iskudayayso inay soo weerarto Turkiga, isagoo xiganaya warbixinno sirdoonka Turkiga uu helay. Waxay doonayeen 

mucaaraadka inay maqlaan macluumaadka sirdoonka ee Erdogan uu ku xaqiijiyay iskudayga weerar ee Turkiga uga imaana kara Israa’iil, iyadoo hoggaamiyaha xisbiga mucaaraadka ee CHP, Ozgur Ozel uu sheegay inaysan suragal ahayn Netanyahu inuu iskudayo inuu weerarro Turkiga oo militari ahaan xooggan qeybna ka ah NATO, wuxuuna ku tilmaamay hadalka Erdogan kicin dadweyne.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay inay Iran uga digtay dalalka khaliijka in hawadooda iyo saldhigyada uu ku leeyahay Mareykanka haddii laga soo weerarro inay markaa la kulmi doonaan oo ay qaadan doonaan dhammaan waddamada khaliijka cawaaqibka ka dhalanaya. 

Fiiro gaar ah; 

Waa digniintii u horreysay ee Iran ay si rasmi ula wadaagayso waddamada khaliijka, tan oo muujinayao waji kale oo colaadda bariga dhexe iyo in lagu qasbayo dalalka khaliijka inay xoojiyaan dadaalkooda diblomaasiyadeed haddii kale natiijada ugu xun ee colaadda ayaa ku dhammaan doonta dhismayaasha dhaadheer ee Dubai oo dabku gaaro, ceelasha shidaalka ee Sacuudiga iyo dalalka kale ee khaliijka.


Post a Comment

0 Comments