Muqdisho, Axad, Oktoobar 13, 2024 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho ayaa sheegay in dhismaha mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada Xukuumadda DanQaran ee horumarinta isboortiga iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.
Qeybaha dib-u-dhiska lagu sameynayo ee maanta la dhagax dhigay oo ka kooban, dayactirka garoonka kubadda cagta, dib-u-dhiska qeybaha koleyga, dabaasha, orodka iyo qeybo kale ayaa waxaa maalgashanaya shirkad ay leeyihiin dhallinyaro Soomaaliyeed.
Ra’isul Wasaaraha ayaa xusay in dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka dalka iyo bilicda caasimadda, isla markaana ay xoojinayso shaqo abuurka dhallinyarada, dhaqaalaha iyo dalxiiska, isaga oo uga mahadceliyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha dadaalkeeda la xiriira horumarinta isboortiga dalka.
Tartankii Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee sanadkan ka dhacay garoonka, ayaa muujiyay xiisaha bulshada u qabaan isboortiga taas oo dowladda ku dhiirigelisay in la dhammeystiro qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay garoonka, si loo soo celiyo qeybihii kale ee ka maqnaa tartanka, tani oo fursad siinaysa dhallinyarada leh xirfadaha kala duwan ee cayaaraha.
Wararka Gudaha dalka
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta XFS Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo ay weheliyeen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socday USAID/TIS3 oo uu hogaaminayay Iftikhar Ahmad, Madaxa Hay'adda DT Global ee Soomaaliya.
Ajandaha kulankaan ayaa ahaa xoojinta xiriirka shaqo ee Hay’adda TIS-3 iyo Wasaaradda howlaha Guud iyo dardargelinta Barnaamijyada xasilinta iyo dib-udhiska dalka.
Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka Mudane Sulayman Mohamed ayaa maanta shir la yeeshay ku xigeenada Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, shirkaas oo ujeedkiisu ahaa ka go’aan gaarista Xaashida Eedda iyo warbixinta Galalka.
Xeer Ilaaliyeyaasha ayaa dood iyo falaqayn ka yeeshay isbar-bardhiga qaab dhismeedka Eedda iyo soo jeedinadda cusub ee la xariira Xaashidda Eedda iyo Hannaanka Warbixinadda gal dacwadeedyadda.
Ugu danbayn Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa kula dardaarmay Xeer-Ilaaliye kuxigenada in Xaashida Eedda ee ay diyaariyaan ahaato mid ka turjumeysa xirfad, aqoon iyo dhaqan gelinta sharciga.
Xaaladda caafimaad ee Puntland;
Wiilka yarka ah ee idiin muuqdaa waa agoon. Baanuur ayaa uu ka dhacay meel ka mid ah Hawd ama Reserve Area. #Gaalkacyo ayaa la keenay. Cisbitaal.... ayaannu gaynay. Nin ajanabi ah iyo nin Soomaali ah ayaa joogay. Markii ay arkeen wiilkii yaraa ee ay CT scan saareen waxa ay yiraahdeen; "Wiilkan yar madixiisa dhiig ayaa fadhiya. Waa in aan degdeg u qalnaa. Waxa aannu jabinayna lafta madaxa, kadibna dhiigga fadhiya ayaannu ka daadinaynaa. Kun iyo dhawl boqol oo doolarna waannu ka rabnaa."
Waxa aannu go'aansanay, kolba haddii ay qalliin tahay xaaladda wiilku in aannu #Muqdisho geyno. Sidii ayaannu yeelnay oo Cisbitaal Digfeer ayaannu geynay. Baadhitaan labaad ayay sameeyeen. Jawaabtiina waxa ay noqotay "Wiilkan yar wax uu qabaa ma jiraan. Dhiigga ay sheegayaan waa maqaarka kore, silinge ayaannu uga soo nuugaynaa." Sida aad sawirka ka aragtaanna sidii ayay yeeleen. Wiilkii yaraa aad ayuu u fiican yahay imika. Caafimaadkiisuna waa boqolkiiba boqol.
Aggaasimaha Guud ee Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Dowladda Puntland Sharmaake Beeldaaje Yaasiin ayaa Fariin u diray Wakiilada Doonyaha kaluumaysata Ajaanibka ah ee ka kaluumaysta Xeebaha Puntland in ay iska diiwaangeliyaan Wasaarada.kadib wareegto ka soo baxday Wasiirka Wasaaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Dowlada Puntland Cabdirisaaq Cabdullaahi xagaa.
0 Comments