Ra’iisul Wasaare Xamsa “Gobolka Banaadir ayaa ugu horreyn doona doorashooyinka ay dadku maamulkooda ku soo dooranayaan, shacabkuna ha u diyaar garoobaan”.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qayb galay bandhigga wax-qabadka maamulka Gobolka Banaadir ee 2023-2024, ayaa sheegay in maamulku uu xaqiijiyey labadii sano ee la soo dhaafay guulo waaweyn oo dhinacyada amniga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay sidii bulshada caasimadda ku dhaqan u heli lahaayeen maamul ay iyagu soo doorteen, isla markaana ay horseed u noqonayaan sidii maamullada kale ee dalkuna hoggaankooda u soo dooran lahaayeen.
Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in caasimaddu ay lafdhabar u tahay dhaqaalaha ummadda Soomaaliyeed, sidaa awgeedna ay lagama maarmaan tahay in masuuliyadda gaara ah la iska saaro sidii ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee dhiggeeda ah, isaga oo ku bogaadiyey maamulka Gobalka Banaadir horumarka ay ka sameeyeen dib u dhiska, bilicda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee caasimadda
Wararka Caalamka
Mareykanka ayaa gudaha dalka Yemen ka fuliyey mid ka mid ah weeraradii ugu xumaa; isaga oo diyaaradihiisa bambooyinka riddada dheer ee B-2 ku ekeeyey shan goobood oo uu sheegey in ay saldhigyo dhulka hoostiisa ah u ahaayeen Xuutiyiinta.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin oo ka hadlaya weerarka, wuxu yidhi: “Isticmaalka bambooyinka riddada dheer ee B2 waxay muujineysaa awoodda Mareykanka in uu weeraro bartilmaameedyada dhulka hoostiisa; Maraykanku kama laba-labayn doono inuu qaado tillaabo uu ku ilaalinayo muwaadiniinta Maraykanka iyo danaha iyo ka hortagga weerarada ka dhanka ah rayidka iyo xulafadayada gobolka.”
Netanyahu, ayaa lagu warramayaa inuu meel mariyay bartilmaameedyada gudaha Iran ee ay Israa’iil weerarrayso, sida ay uga jawaabto weerarkii gantaallada Iran, sida ay sheegtay shabakadda ABC news , oo xiganaysa ilo gudaha Israa’iil ah.
Warbixinta laguma sheegin , bartilmaameedyada — sidoo kale lama cayimin waqtiga ay weerarrada qaadayso Israa’iil.
Wargeyska New York Times, ayaa maalin ka hor baahiyay inay Israa’iil weerarri doonto, saldhigyada gantaallada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , warshado iyo xarumo dawladeed. Ilaha uu wargeyska xigtay ayaa sidoo kale suragal ka dhigay inay Israa’iil beegsan doonto xarumaha shaybaarka cilmi-baarista nukliyeerka Iran.
Dhab ahaantii, haddii aan aragno Israa’iil oo xarumo dawladeed ee gudaha Iran bambooyin ku dhufatay , markaa waxay ka dhigantahay ku dhawaaqis dagaal..!
Gobolka bariga dhexe ayaa saacadihii hore ee maanta martigeliyay mid ka mid ah weerarradii ugu xumaa, kaddib markii Mareykanka uu ku weerarray gudaha dalka Yemen diyaaradihiisa bambooyinka riddada dheer oo aan diyaarad kale qaadi karin ee culus istiraatijiga ahna ee B-2As, iyadoo xoghayaha difaaca Maraykanka,Lloyd Austin uu shaaciyay inay weerarka Yemen ay ka geysteen shan goobood inay u adeegsadeen diyaaradan , sababtoo ah wuxuu ku sheegay inay goobahaa yihiin meelaha ay Xuutiyiinta dhigtaan gantaallada ee ku yaalla dhulka hoostiisa, kana soo qaadaan weerarrada maraakiibta.
Kani waa weerarkii ugu weynaa ee ay la kulmayaan Xuutiyiinta , waxaana la beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla koonfurta Sanca, aagga Kahlan iyo Al-Cayla ee bariga magaalada Sacda.
Weerarkan wuxuu leeyahay ujeeddooyin gaar ah;
Diyaaradda B-2As, waa mid ka mid ah diyaaradaha ugu xun ee bani’aadamku heysto, waxay awoodaan tobannaan tan oo bambooyin ah inay qaadaan, goobta ay ku dhufanayaanna waxay dhulka hoos u galayaan tobannaan mitir, waxaana lagu burburiyaa xarumaha iyo saldhigyada dhulka hoostiisa ku yaalla, waana sababta bilowga weerarkii ay Iran ku qaaday Israa’iil aan uga maqalnay dhinaca Israa’iil inay doorbidayaan Mareykanka inuu kala qeybqaato weerarka jawaabta ah ee ay ku qaadayaan Iran, sababtoo ah diyaaradaha Israa’iil ma awoodaan inay gaaraan goobaha ay beegsan karto diyaaradan B-2As, si loo gaaro xarumaha nukliyeerka Iran , diyaaradan ayaa ah midda kaliya ee fulin karta.
Hadda , weerarka Yemen ay ka geysatay diyaaradan waxay adeegsatay hannaanka gantaallada raxanka ah ee halka bartilmaameed ku dhici kara oo loogu yeero nidaamka JDAM, tanina waxay ku dhacda marka la doonayo inan dib loo adeegsan ama laga soo kicin goobaha bambooyinka isla socda oo middiiba tobannaan tan oo tobannaan mitir dhulka hoostiisa ku qarxi karta, waxaa laga yaaba bambada ugu yar inay leedahay culeys 900 kg, Illaa hadda ma soo bandhigin Xuutiyiinta inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay weerarkan, balse kaliya waxay xaqiijiyeen inay la kulmeen weerar.
Diyaaradda B-2As , waxaa laga soo duuliyay saldhigga ciidanka cirka Mareykanka ee Whiteman oo ku yaalla gobolka Missouri ee dalka Mareykanka, taa oo xaqiijinaysa in diyaaradan aysan joogin meel aan ahayn gudaha Mareykanka, sababtoo ah waa mid ka mid ah qalabka ugu muhiimsan ee Mareykanka oo laga hortagayo in xog sirdoon laga helo.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa sidoo kale yiri; “Isticmaalka bambooyinka riddada dheer ee B2 waxay muujineysaa awoodda Mareykanka inuu weeraro bartilmaameedyada noocaan ah wakhti kasta iyo meel kasta.. Maraykanku kama labalabayn doono inuu qaado tillaabo uu ku ilaalinayo muwaadiniinta Maraykanka iyo danaha iyo ka hortagga weerarada ka dhanka ah rayidka iyo xulafadayada gobolka.”
Ugu dambeyntii weerarkan iyo hadalka Austin , wuxuu u muuqdaa in lagu gudbinayo farriin ku socota Iran oo la xiriirta iskadaygeeda ay doonayso inay uga jawaabto weerarka ay diyaarinayso Israa’iil..!
0 Comments