LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA KA CODSADAY KULAN GAAR AH


Muqdisho, Oktoobar 30, 2024 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa kulan casho sharaf ah la qaatay Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo gudbiyey codsi ku saabsan kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga Baarlamaanka.

Munaasabadda caawa waxaa ka qeyb-galay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo kuxigeennadiisa, iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada; Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye; Koonfur-galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed; iyo Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey Madaxda Dowlad-goboleedyada ka qayb-galay Madasha Wadatashiga Qaranka, taasoo lagaga arrinsanayo aayaha iyo horumarka dalkeenna, gaar ahaan dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada gacanta argagixisada ku jira, adkaynta amniga, dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, iyo xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee doorashada hoggaankooda.

"Walaalaheen naga aragtida duwan waa la hadlaynaa; haddii ay noo ogolaadaan waan u tagayaa, haddii kalena way noo imaanayaan. Wadajir iyo midnimo ayaan rabaa. Maanta 

dadkeenna waxaa u furan fursad weyn oo ay ku gaari karaan rajadooda, waxaana si wadajir ah uga shaqeynaynaa adkaynta amniga dalka, dhammaystirka dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyo xaqiijinta Soomaaliyada ay inaga sugayaan shacabkeennu"

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay doorka muhiimka ah ee ay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qaateen muddadii la soo dhaafay, iyagoo dhexda u xirtay qabyo-tirka dastuurka, difaaca iyo adkeynta midnimada dalka, waxa uuna adkeeyey rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarinta Dowladnimada.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo maanta dib uga furmay Caasimadda Muqdisho.

Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagaga arrinsanayaa amniga, horumarinta dalka iyo dhameystirka hannaanka dimuquraadiyeynta.

Shirkaan ayaan laga soo saarin ilaaa hadda wax warmurtiyeed ah kaas oo ku saabsan wixiii lagu 


Dowladda Somalia Ayaa dalka ka cayrisay Sargaal sare oo Itoobiyaan ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya waxay qaadday tallaabo adag si ay u ilaaliso danaha qaranka oo ay u adkayso heerarka diblumaasiyadeed ee caalamiga ah, taas oo muujinaysa sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanideeda iyo ku dhaqanka sharciga caalamiga ah.


Wasaaradda waxay ku dhawaaqaysaa in mudane Cali Maxamed Aadan, oo hadda ah La-taliye II ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya ee Soomaaliya, uu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed. 


Ficilladiisu waxay jebinayaan heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed (1961), gaar ahaan Qodobbada 41 iyo 42, kuwaas oo faraya diblumaasiyiintu inay ixtiraamaan shuruucda dalka martida loo yahay oo aysan ku lug yeelan arrimaheeda gudaha.

Sidaas darteed, mudane Cali Maxamed Aadan waxaa lagu dhawaaqay inuu yahay “shakhsi aan la rabin” (persona non grata) waxaana laga doonayaa inuu ka baxo Soomaaliya 72 saacadood gudahood marka uu helo ogeysiiskan. Tallaabadani waxay marag u tahay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta habraaca diblumaasiyadeed ee caalamiga ah iyo difaacidda madax-bannaanideeda qaranka.

     Wararka Caalamka 

 Kalfadhi aan caadi  ahayn ay yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu  cambaareeyay Xasuuqa Israa’iil  ka wado qaza. sidoo kale waxaa looga hadlay xaaladda musiibada ah ee bini'aadantinimo ee waqooyiga Gaza iyo go'aanka Israel ay ku cayrinayso ee ka dhanka ah hay'adda Arimaha  Falastiiniyiinta UNOR  Ilaha caafimaadka ee Qaza ayaa xaqiijiyey   in ay ku dhinteen 143 shahiid  duqeymaha Israel ee Marinka Gaza tan iyo waaberigii maanta, 132 ka mid ah waxay ku sugnaayeen waqooyiga. 

Duqeymaha Israa’iil bahalnima'ah ayaa markasta sii xoogaysanaya ay ku hayso marinka.



Post a Comment

0 Comments