ISRLLL ayaa weerar aargudasho ah waxay goor dhow ku qaadday Iran, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Tahran, halkaas oo laga maqlayo qaraxyo waaweyn.
Tobanaan ka mid ah diyaaradaha ISRLLL ayaa dulmaray hawada Iran, waxaana ay bartilmaameesanayaan goobo gaar ah, inkastoo weli meelaha gantaalada ku dhaceen aan xog rasmi ah laga helin.
RW Netanyahu iyo wasiirkiisa difaaca ayaa goob dhulka hoostiisa ah kala socda howlgalkaan aargudashada ah, sidoo kalena Maraykanka wuxuu sheegay inuu la socdo waxa ka socda iran.
Nidaamyada difaaca iran ayaa isku dayaya iney iska difaacaan gantaalada ISRLLL hase ahaatee Tehran meelo badan ayaa ololeysa.
Ciidanka Israa’iil Weerarkii lagu qaaday Iran waxa uu gaadhay dhammaan yoolkiisii, waxaanu ka jawaabi doonaa xaalad kasta oo cusubWarbaahinta Iran, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah: Howlgalka weerarka oo lagu fuliyay walxaha yar yar ee duulaya ayaa lagu guuleystay in la New York Times, oo soo xiganaysa mas'uuliyiinta Israa'iil: Weerarkii #Iran wuxuu dhammaaday ka dib markii la garaacay ilaa 20 goobood
Axios, isagoo soo xiganaya saraakiisha Israel iyo Mareykanka: Mowjadihii ugu horreeyay ee duqeymaha Israa’iil waxay bartilmaameedsadeen nidaamka difaaca hawada ee Iran Raadiyaha Israel, oo soo xiganaya ilo ammaanka: Waxaa la filayaa in duqeymaha ka dhanka ah #Iran ay sii socon doonaan dhowr saacadood oo dheeraad
Difaaca Cirka Iran: Waxaan ka hortagnay isku dayga hay'adda Sahyuuniyadda ee lagu bartilmaameedsanayo dhowr goobood oo ku xeeran #Tehran iyo dalka oo dhanWakaaladda Tasnim ee Iran, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah: Waxaan xaq u leenahay inaan ka jawaabno weerar
Wasaaradda Gaadiidka Ciraaq: Joojinta taraafikada hawada dhammaan garoomada diyaaradaha ilaa ogeysiis dambe Wakaaladda Tasnim ee Iran ayaa daabacday muuqaal muujinaya dhaq-dhaqaaqa gaadiidka ee bartamaha caasimadda Iran ee Tehran
Warbaahinta Israel: Mowjado labaad oo weeraro ah ayaa bilowday, iyadoo qaraxyo ay ka dhaceen ShirazWakaaladda wararka ee Fars News Agency: Israel ayaa bartilmaameedsatay dhowr saldhig oo ciidan oo ku yaal galbeedka iyo koonfur-galbeed ee Tehran Sarkaal ka tirsan Pentagon-ka ayaa Aljazeera u sheegay in Israa’iil ay si horudhac ah noogu soo wargelisay inay doonayso inay weerarro ka dhan ah Iiraan
Sawirro ayaa muujinaya qiiq cirka isku shareeray oo ka kacaya caasimadda Iran ee Tehraan ka dib markii Israa’iil ay duqaysayAfhayeenka ciidamada Israel: Waxaan si sax ah u weerarnaa bartilmaameedyada militari ee Iran. NBC News, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah: Waxay u muuqataa in weerarada Israa'iil ay ku kooban yihiin bartilmaameedyo militari oo aysan ku jirin xarumaha nukliyeerka ama tamarta.
Wxiii ka soo kordha kala soco
MC2 News Somali
0 Comments