LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Iiraan oo dil toogasho ah fulisay.

 

Iran ayaa ugu dambeyntii Isniintii shalay shaacisay in xukun daldalaad ah lagu fuliyay Jamshid Sharmahd, oo ah 69 jir ka soo jeeda Iran, balse heysta dhalashada Jarmalka ,kaddib markii uu xabsi kaligii ku xirnaa muddo 4 sanno ah. 

Muxuu ahaa ninkan? 

Dilkan waxaan ku siidayay barnaamijkii habeenimo ee ka baxay barta YouTube, balse hadda waxaan haleelay inan ka soo bandhigo xog dheeraad ah. 

Jamshid Sharmahd, wuxuu ahaa wariye iyo khabiir ku xeel dheer arrimaha tignoolajiyadda — dawladda Iran ayaa ku eedeysay inuu abaabulay oo ay fulisay koox uu aasaasay oo lagu magacaabo dhaqdhaqaaqa mucaaraadka ah ee Tondar , weerar qaraxyo ah oo ku dhawaad 14 qof ay ku geeriyoodeen 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen oo ka dhacay masjid ku yaalla magaalada Shiraz ee dalka Iran sannadkii 2008-dii. 


Wuxuu ninkan sidoo kale heystay deganaashaha Mareykanka oo uu muddo dheer ku noolaa , sirdoonka Iran ayaa dhowr jeer isku dayay in ay ku dhex dilaan California oo uu degganaa, dhowr iskuday ayay ku guul-darraysteen , iyagoo u arkayay nin halis ah oo iskudayi doona afgambi iyo weerarro uu ka geysto gudaha Iran, balse howlgal gaar ah oo ay diyaariyeen sirdoonka Iran waxay ku guuleysteen inay Sharmahd ka soo afduubaan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, iyagoo dib ugu celiyay sannadkii 2020-kii Tehran oo uu ku 

dhashay, halkaa oo uu ku xirnaa xabsi gaar ah tan iyo markii shalay lagu fuliyay xukun ay maxkamad ku ridday sannadkii 2023-dii. War kooban oo dilkiisa laga soo saaray, waxaa sidoo kale lagu eedeyay inuu xiriirka la lahaa sirdoonka Mareykanka iyo Israa’iil. Mar kasta qoyskiisa ayaa diiddayay eedeymaha ninkan ay ku soo oogtay Iran. 

Mareykanka ayaa dilkan cambaareeyay, sidoo kale Jarmalka oo uu dhalasho ka heystay waxay dilkan ku sheegeen inuu cawaaqib xun ka dhalanayo, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.


Wararka somalida iyo  caalamka 


Agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA,William Burns ayaa maanta booqday Kenya, isagoo wada-hadallo la yeeshay madaxweyne, William Ruto iyo madaxa sirdoonka Kenya, Noordin Haji. 

Shan maalin ka hor , sidan oo kale waxaa Kenya booqday madaxa hay’adda sirdoonka Ingiriiska ee MI6, Richard Moore, oo isla maalintii xigtay booqday Itoobiya, markaa oo ay warbaahinta Itoobiya sheegtay arrimaha uu kala hadlay sirdoonka Itoobiya, inay qeyb ka ahayd amniga badda cas. Waxay u muuqataa inay jirto wax ay u baahanyihiin CIA-da iyo MI6 inay ogeysiiyaan dalalka gobolka. 

Dhawaan , ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha Yemen, Tim Lenderking ayaa u sheegay hoggaamiyayaasha Carabta oo ay ku jiraan; Sacuudiga , Imaaraadka Carabta iyo Cumaan inay isku diyaarinayaan howlgal ballaaraan oo Mareykanka iyo xulafadiisa ay ku doonayaan inay ku burburiyaan Xuutiyiinta Yemen.

 Jarmalka oo la bahdilay


Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka, Annalena Baerbock ayaa ka degtay Beijing, caasimadda Shiinaha , halkaa oo socdaal shaqo ay ku tagtay , balse ma jirin qof ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha oo ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha , sida laga arkay muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada. 

Waxay u muuqataa inay la yaabantahay sida aysan ciddi ugu imaan garoonka . Shuruucda diblomaasiyadda inta badan diblomaasiyiinta shisheeye waxaa garoommada ku soo dhaweeya sarkaal ka socda waaxda hab maamuska, laakin marka la doonayo in hoos lagu dhigo waxaad sameynaysa sida Annalena oo dhinacyada ayaad eegi doonta! Waxay ila noqotay wali in Shiinaha uu ku caraysan yahay haweenaydan oo mar ku tilmaamtay madaxweynaha Shiinaha ‘kaligii taliye’, laakin dhawaan Jarmalka wuxuu diidday canshuur dheeraad ah oo gaadiidka tamarta ku shaqeeya ee Shiinaha ay ku soo rogeen Midowga Yurub.




Post a Comment

0 Comments