Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo u joogay wadanka Imaaraadka Carabta ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhoweeyay xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa mudadii uu ku sugnaa dalka Imaaraadka waxa uu halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay madaxda wadankaasi oo uu ka mid yahay dhiggiisa dalkaasi Saqr Ghobash oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan gaar ahaan dardargelinta wada shaqeynta Baarlamaannadda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa qeyb ka ah Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaannada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacadda Carabta.
Wararka Gudaha dalka
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa hambalyo ku aadan sannad guurada 70-aad ee kasoo wareegatay maalinta calanka Soomaaliyeed ee 12-ka October la wadaagay shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan u dabaal dageynaa 70-sano guuradii ka soo wareegatay xuska markii ugu horeysey ee aan yeelanno astaanta dalkeenna, taasoo sharaf iyo karaamo u ah qof kasta oo Soomaali ah, Alle ha u naxariisto halgamayaashii sababay guusha aan heysano.” ayuu yiri Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa kulamada uu saraakiisha la yeeshay kadib kormeeray fariisimaha Ciidamada Xogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Waniile ee bariga gobolka Galgaduud, isagoo ku dhiirigeliyey howlgallada guuleystay ee Khawaarijta lagu naafeeyey ciidamadu ay fuliyeen maalmihii lasoo dhaafay.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan wadamada Bariga Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya Ambassador Mirko Giulietti.
Shirkaan waxaa looga hadlay xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, sidii looga hortagi lahaa saameynta abaaraha la saadaalinaayo loona yareeyn lahaa khasaaraha ka dhasha, adkeynta dadaallada diyaar-garowga iyo ka hortagga iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta deeq-bixiyayaasha iyo hay’adda.
War-murtiyeedka Wadajirka ah ee Shir Madaxeedka Saddex-geesoodka ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeybgalay shir madaxeed saddex geesood ah oo ka dhacay magaalada Asmara, caasimadda dalka Ereteriya, 10-ka Oktoobar 2024.
Shirkan waxaa martigaliyey Madaxweynaha Ereteriya Mudane Isaias Afwerki, waxaana sidoo kale ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Mudane Abdel Fattah El-Sisi.
Madaxda saddexda dal ayaa ka wadahadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan gobolka iyo caalamka, iyagoo si qoto dheer u falanqeeyey xaaladaha jira.
Madaxweynayaasha saddexda dal ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee waddamada gobolka, iyagoo isla qaatay in la isku xiro dadaallada wadajirka ah si loo gaaro xasilloonida gobolka iyo horumar waara oo loo dhan yahay.
Waxa kale oo lagu heshiiyey in la xoojiyo hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, lana taageero ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si ay ula dagaallamaan argagixisada.
Shirka waxa lagu lafa-guray arrimaha amniga, gaar ahaan kuwa ku saabsan Badda Cas iyo marin-biyoodka Baab-al-Mandab, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay xaaladda Suudaan iyo sida ay u saamayn karto gobolka. Madaxdu waxay isla garteen in la dhiso guddi saddex geesood ah oo ka kooban Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee saddexda dal, si loo dardargeliyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada oo dhan.
Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay qaraar ay si wadajir ah u soo gudbiyeen Soomaaliya iyo UK, kaas oo diiradda saaraya caawinta Soomaaliya ee dhinaca xuquuqul insaanka.
Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Geneva Khadra Ducaale oo khudbad muhiim ah ka jeedisay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadisay tallaabadan iyada oo soo bandhigtay dadaallada ay Soomaaliya ka waddo dhinaca xuquuqul insaanka iyo horumarada laga gaaray.
Ambassador Khadra ayaa sheegtay in Soomaaliya ay hiigsaneyso dhammeystirka xilliga kala-guurka ee la falgalka hay’adaha xuquuqul insaanka muddo 12-bilood gudahood, iyadoo diiradda la saarayo hirgelinta qorshe-hawleed ku saleysan isla xisaabtan iyo daah-furnaan.
Waxay sidoo kale iftiimisay tallaabooyinka muhiimka ah ee dhowaan la qaaday kuwaas oo ay ka mid yihiin ansixinta sharciga xuquuqda naafada Qaranka, soo bandhigidda istaraatiijiyadda shanta sano ee Hay’adda Naafada Qaranka, iyo ansixinta sharciga carruurta.
Danjiraha ayaa ku adkeysatay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay kor u qaadidda ka-qeybgalka siyaasadeed ee loo dhan yahay, iyada oo gaar ahaan xustay muhiimadda ay leedahay in haweenka iyo dadka la heyb-sooco laga qeyb geliyo go’aamada muhiimka ah. Waxay intaa ku dartay in dalku uu dadaal xooggan ugu jiro xoojinta hay’adaha xuquuqul insaanka.
“Soomaaliya ayaa rajeyneysa in ay ku soo gabagabeyso xilka Khabiirka Madaxa Banaan ee QM ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka Soomaaliya sanadka soo socda, taas oo calaamad u ah in dalka uu u diyaar garoobayo isku-tiirsanaanta ilaalinta xuquuqda aadanaha.”
Ambassador Khadra Ducaale ayaa uga mahadcelisay beesha caalamka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan Ingiriiska, Sanduuqa Wadajirka ah ee Soomaaliya, iyo Kooxda Ilaalinta iyo Xuquuqul Insaanka ee UNSOM, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaaray horumarinta xuquuqul insaanka ee dalka.
0 Comments