LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Wararka Somalida

 Wararka maanta 2024/2/9      

  Puntland iyo  Maraykanka 

Maraykanku,waxay PL usheegeen Sadex Qodob oo kala ah....1.In casuumada uga timid Abiy aysan ka jawaab celin oo aysan aadin Adis-ababa.

2.In aysan qaadin Wadada SL qaaday ee goosashada.3.In ay aqbalaan wada hadal dhexmara PL iyo DFS. Maraykanku,wuxuu kaloo usheegay PL in ay Somaliya gelin doonaan $1Bilyan oo ay PL ka heli doonto ugu yaraan $400.

"Anigu,waa ku cusbahay Somaliya lkn warbixinta iyo xogta laygu wareejiyay,waxay leedahay in PL tahay miisaanka Siyaasada,dheelitiraha Dowlada Dhexe iyo Maamulka ugu awooda badan Maamulada Somaliya marka waa noo muhiim".Ayuu yori Safiirka Maraykanka.

Maraykanku ma rabo in Somaliya ay kala tagto ama lakala jaro,taa badalkeeda waxa uu si adag ugu dhagan yahay in ay wada Shaqeeyaan DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah shuruud la'aan

Dhawaan,waxaa imaanaya Somaliya Wasiirka Gaashaandhiga Maraykanka,taasoo muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay danayntiisa Somaliya. 

Arimaha fursadaha siiyay Somaliya,waxaa ugu weyn Abiy iyo hogaamintiisa Itoobiya oo baalmartay sidii uu rabay Maraykanku iyo Ruto oo noqon waayay Wakiil Galbeedka ah oo karti uleh fulinta Shaqooyinka loo diray.

        

      Midoowga Yurub 

Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub, Josep Borrell iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa ka wada-hadlay baahida loo qabo hoos u dhigista xiisada gobolka iyo dagaalka ka dhan ah  kooxaha

Midowga Yusub ayaa xaqiijiyey ixtiraamka ay u haayaan 'Midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed' ee Soomaaliya.

     Abdirahman Abdishakuur

"Koonfur-Galbeed lama saxiixan MoU bad lagu bixiyey Itoobiya, ATMIS kuma soo darin nabad ilaalinta, heshiiska difaaca ee ATMIS ka baxsan lama gelin; waa dulmi iyo gardarro waxa loo beegsado." - Xil.Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

                     

                   Gaalkacyo 

MASHAARIIC IYO JIDAD AQOONYAHANKII KABARAKACAY: Magaalo ma qurxiyaan bulshana ma hormariyaan!

Reer Mudug, Deked iyo laamiyo in ay Lacag laysku daray ku dhisaan waa garteen, waana hirgaliyeen Hayeeshee sidii ay u wada noolan lahaayeen oo is dilka Aanooyinka Aqoonyahankii iyo indheergaradkii barakiciyey uga heshiin lahaayeen, mahayaan.

Yaa dekeda ilaa laamiyada mashaariicda waa weyn ah,  Adeegsan ama kuganacsan, Haddiiba Haldoorkiinii ay kaqaxeen magaaladii Gaalkacyo, sabab la xariirta maangaab hubeysan oo haddana Nabadoon aan caqliyad heynin hor ordayo.

Mudug, sida ay lacagta iskugu dareen caqligana ha iskugu dareen, waa lajoogaa xiligii aad hubka isku dhameyseen caqli kudari lahaydeen, go’aan uga gaari lahaydeen, dambiilayaashana Cadaalad u heli’i lahaayeen!

Gaalkacyo: 03 September 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka xariga ka jaray  Wadada laamiga ah ee bartamaha Gaalkacyo, oo la dhameeyay wejiga koowaad oo ah 

1.15KM.Jidkan oo muhiim u ah horumarka, isu socodka gaadiidka iyo bilicda magaalada ayaa lagu dhisay si iskutashi bulsho ah oo ay maamulkiisa ka hawlgaleen Guddiga Horumarinta degmada Gaalkacayo, waxaana dhisay Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku bogaadiyey bulshada Gaalkacyo, Guddiga Horumarinta magaalada iyo Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco dedaalka dhaxalgal ka ah ee ay ku hirgeliyeen dhismaha Wadadaasi, taasi oo muhiim u ah horumarinta magaalada dhankasta, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in bulshadu laf-dhabar u tahay dowladnimada horumarkeeda iyo jiritaankeedaba. 



Post a Comment

0 Comments