LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Wararka maanta 2/9/2024

 HOGGAAMIYE KUXIGEENKA MAAMULKA SSC-KHAATUMO AYAA KORMEER SHAQO KU TEGAY TALISKA QAYBTA BOOLISKA G. CAYN

Buuhoodle -01Sep 2024-  Hoggaamiye kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine ayaa kormeeray taliska qaybta booliska gobolka Cayn. Kormeerkan waxa ku wehelinayay Maayar kuxigeenka degmada Buuhoodle, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka SSC-Khaatumumo iyo masuuliyiin kale. 

Ugu horrayn, Hoggaamiye kuxigeenka ayaa salaan ka qaatay ciidanka saldhigga dhexe, waxana uu warbixin ka dhegaystay Taliyaha booliska G. Cayn Gaashaanle sare Fatxi Cabdikariim Ismaaciil

Hoggaamiye kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa uga mahadnaqay ciidaanka booliska gobolka Cayn ilaalinta shacabka iyo nabadgalyada gobolka, waxa uuna ku boorriyey inay laba jibbaaraan la dagaalanka khamriga iyo waxyaalaha lidka ku ah nabadgalyada shacabka. Waxa kale oo hoggaamiyuhu sheegay in boolisku yahay saaxiibka dadweynaha loona baahan yahay in ay shacabka iyo boolisku isla shaqeeyaan si loo helo xasillooni.


Fahad yaasiin iyo farmaajo oo kala dhaqaaqay

Fahad Yaasiin oo Raalli gelin Bixiyey Waayihiisa Siyaasada :

“Farmaajo waa kala guurnay - anoo u danaymaya danta guud ee Qaranka Soomaaliyeed.


Garaad jaamac oo dhaweeyey Nabadda Ceerigaabo 


Bismillaah

Maalmahan waxa arrimo nabadgalyada iyo wada noolaanshaha bulshada lid ku ahi, ka soo kordheen magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag,kuwaas  oo ahaa dilal qorshaysan, gaadmo iyo jid gooyoyin   lagula kacay dadka shacabka ah ee SSC-Khaatumo.
 Hadaba 

1. Ugu horrayn, waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay magaalada Ceerigaabo iyo hareeraheeda, kuwaa oo si badheedh ah jidgoyo iyo gaadmo loogu laayey. Waxaan Eebbe uga baryayaa intii dhimatay inuu u naxariisto, jannadiisana ku abaaliyo, inta dhaawaca ahna uu Alle bogsiino degdeg ah siiyo, kana kiciyo nabarrada xaqdarrada ah ee loo gaystey. 

2. Waxaan taageersanahay bayaankii ka soo baxay Golaha sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo, kaas oo aanu ku caddaynay mowqifkayaga nabadeed iyo in aanu magaalada Ceerigaabo nabadgalyo iyo wada noolaansho ka rabno.

3. Waxaan caddaynayaa in nabadda Ceerigaabo iyo gobolka Sanaagba ay ku jirto in cid waliba rabitaankeeda lagu ixtiraamo, lagula dhaqmo oo lagu dhaqo, ma soconayso awood sheegasho iyo isu dawladayn, taasi nabad ma keenayso ee waa in xalka nabadda la abbaaro cid walibana rabitaankeeda hesho.

4. Dilalka qorshaysan ee ka dhacaya Ceerigaabo iyo agagaarkeeda waxa ka danbeeya Muuse Bixii iyo ciidankiisa, waana natiijada safarkiisii. Gaadmada iyo jidgooyada loo gaysanayo dadka shacabka ah ee deggan gobolka Sanaag, waxay ka turjumaysaa in nabadda deegaanka duullaan lagu yahay,  Duullaankasta oo noocan ah oo shacabka lagu soo duulo ee lagu laayo, waxa ka dhasha dagaal is difaac ah oo lagu badbaadinayo nolosha, hantida,iyo sharafta shacabka., waana waxa aanu ka digayno khatarteeda

5. Ugu danbayn, mar kale waxaan caddaynayaa sida bayaankii xalay ee Golaha sare ee Dhaqanka SSC-Khaatumo soo saaray ku cad , in magaalada Ceerigaabo aanu nabad iyo wada noolansho  ka rabno lana rabno.

Dhammaad
Allaah mahad leh




Af-hayeenka Laftagareen: "Xildhibaanadda BJFS ee lagu handadayo qaab qabiil lana leeyahay xilka ha laga xayuubiyo, haddi siidaa ku socodaan madaxda ha ogaadaan; in dowladda heshiinka lagu yahay ay noqon doonto cid walboow xeendaabkaaga.."










 



Post a Comment

0 Comments