Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntlabd Axmed Karaash ayaa si adag uga horyimi damaca DFS ee ah xaraashka Kheyraadka Ceelka Shidaal ee HOL-HOL.
HOL-HOL, oo horey looga sameeyey ayaa dhawaan laga xaraashay Qatar.Senator iyo Xildhibaanada SSC qaarkood ayaa dulaalka aad ugu dagaalamay, iyagoo aan qeyb ka aheyn Kalagoosashada weyn.
Wuxuuna u dhignaa hadalkiisa isaga oo u quusgooyey Dowladda federaalka Somalia oo aan wax talogalin ah kasameyn.
Waxaan dhegeystay hadal uu jeediyey Wasiirka Batroolka XFS oo uu ku sheegay inay saxeexeen xidhmooyin Shidaal oo uu ka mid yahay Ceelka Shiidaalka ee Holhol.
Hadaba waxaan la wadaagaynaa Shirkadaha Caalamiga ah inaan wakhti kaga lumin Ceelka Holhol iyo khayraadka kale ee
deegaanadaasba aysana jirin cid awood u leh inay heshiis ku soo gasho, iyadoon loo marin dariiq saxa oo heshiis lagu wada yahay.
Itoobiya oo u dabaal dagaysa sanadkeeda cusub 20217
"Sannadkan cusub ee 2017 (tirsiga Itoobiya), waxaan samaynaynaa taariikh aan hore loo arag oo ubadkeenna mustaqbalku ay ku sheekaysan doonaan. Waxa uunoqon doonaa sannad aan ficil u beddelno qorshayaal waaweyn oo qabyo innoo ah. Waa in aan ku soo gabagabaynnaa wakhtiga iyo sida ugu habboon, Eebbe garabkeenna ha galo maanta iyo berriba."
Raysalwasaarha Itoobiya ayaa farriintan u diray shacabkiisa isaga oo ugu hambalyaynaya sannad cusub oo maanta u kowsaday Itoobiya.
Somaliya oo Itoobiya ku eedeysay in ay xoog ku doonayso Badda Soomaaliya
RW Soomaaliya ayaa maanta sheegay in ay Itoobiya doonayso labo jid midkood in ay xoog ku qaadato Badda Soomaaliya ama in loo hirgaliyo damacoodii MOU-ga ay lagaleen Somaliland, xaalkuna halkaas marayo.
“Itoobiya waxay rabtaa in sidii ay u saxiixatay MOU-ga loogu daayo ama ay xoog ku qaadato, taas wax aan hayno majirto Itoobiyana halkaas ayay taagan tahay” ayuu yiri RW Soomaaliya.
Maalmo kahor, MW Xassan Sh ayaa sheegay in aysan Itoobiya dal ahaan u aqoonsaneyn Soomaaliya, 17-ka bishan ayay Soomaaliya markale Turkiga u tagaysaa lakulanka Itoobiya, iyadoo Badda dalkeena laga hadlayo.
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa si xoogan u dhaliilay odayaal iyo Siyaasiin uu sheegay in ay bulshada iska horkeenayaan, in dalka la difaaco ayuu sheegay in ay waajibka 1-aad tahay.
Bulshadu, ayuu sheegay in markay is qabato ama lays qabto ayuu sheegay in la fashilmayo, ummadda Soomaaliyeed looga baahan yahay qaan-gaar.
MC2 News Somali
0 Comments