Roobabki dayrta oo inta badan caawa ka curtay guud ahaan gayiga soomaaliya, Nugaal godan, galaaddi, waqooyi galbeed hargeysa, degaanadda kalla ah Burtinle,Jallam,Bocame, cabudwaaq,qayba badan oo kamid ah gobolka Sool, Ras- Durura ila Dhudhub,Dangorayo gobol weynaha Bari, Qoriile ilaa Wardheer iyo ugu dambeyn goldogob iyo gaalkacyo oo uu hadda ku tiixayo.
Mansha,alaah caawa meela badan ayay ka hoortay kalkii dayrta ee lawadda sugayay, daruura badan oo cokan ayaana walli dul heehaabaya guudka sarre ee cirka, Halka hilaac iyo saylaama badana laga arkayo baddi degaanadda Puntland , Ogaadeeniya , Khaatumo
,iyo mamulka Somaliland, oo inta badan daruurtu dul hoganayso. Insha,alaah waxaan rajeynayaa in uu roobkan dayrta dadkeenna soomaaliyeed u noqdo dayrti biya badan oo kalle mid ay ku diirsaddaan. Halka aan Allaah uga baryayno in raxmadda rabbi ay ku hoorto dagaanadda aysan walli ka di'in.
"Rooboow rigloow kaalay, riyo dareeriyoow kaalay." Biloow kheyr leh. nala wadaag degaanadda kalle ee roobka deyrtu ka da'ay ee aanan xusin
Muqdisho
Taliyaha ciidanka Asluubta Jen, Mahad Cabdiraxmaan (Shubka), ayaa kuguuleystay in ay telfoon isku maqlaan MW Soomaaliya iyo MW Koonfur Galbeed, kuwaas oo todobaadyadii u dambeeyey xariirkooda telfoon uu lumay, Laftagareena ka diiday Xamse iyo Turkiduba in uu telfoonka MW Xassan ka jawaabo.
Villa Soomaaliya ayaa wali xooga saaraysa in Laftagareen la geeyo Muqdisho dhammaadka bishan, laakiin dhinaca Koonfur Galbeed ayaa wali diidan, sida ay sheegayaan wararka laga helayo dhinaca Laftagareen.
25-ka bishan ayay Madaxtooyada Soomaaliya naawilaysaa qabashada shirkii Madasha wadatashiga, iyadoo cabsi ka qabta in haddii dadaalkaas fashilmo ay wax badan khasaari doonto, oo uu ka muhiimsan yahay dhammaan kulamadii hore oo dhan.
Madaxda JL iyo KG ayay Villa Somalia u aragtaa cida fashilin karta shirka madasha oo ay baahi weyn u qabto xiligan madaxtooyadu qabsoomidiisa, taas oo muujinaysa kala taagnanta.
Mudanayaal baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan lana baxay Golaha Samata-bixinta Qaranka ayaa cambaareyey talaabadii mudanayaal & Masuuliyiin kasoo jeeda Koonfur Galbeed loogu diiday in ay deegaanadooda u safraan, oo ka baxaan garoonka Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa dawladda u soo jeediyey sadex talaabo oo ay tahay in la qaado, oo ay u horeyso in la qaado xayiraada lagu soo rogay tagida deegaanada ee xubnaha baarlamaanka & Masuuliyiinta kale.
MW Soomaaliya Xassan Sheikh ayaa safiirka dawladda Turkiga u jooga Soomaaliya Alper Aktaş u diray in uu lahadlo MW Koonfur Galbeed, kuna qanciyo imaanshaha Muqdisho, ayna Dawladda Turkigu u damaanad-qaadayso in amnigiisa iyo deegaankiisaba ay gacanta ku haynayso.
Alper, ayaa la hadlay MW K/Galbeed una sheegay dalabkaas, hayeeshee jawaabta dhinaca Laftagareen ayaa ahayd in uu xiligii uu doono tagi karro Muqdisho oo aysan dhib jirin, haddana uu mashquul yahay oo aysan jirin daruuf u tago caasimada Muqdisho.
Talaabadan ayaa muujinaysa in Turkigu layimaadeen banaanka habdhaqanka faragalinta arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Shalayna MW Xassan ayaa Baydhabo u diray Jen, Mahad Cabdiraxmaan si Laftagareen loogu qanciyo imaanshaha Muqdisho, waxaa kahoreeyey Sanbaloolshe iyo Xamse oo Baydhabo tagay, iyadoo aan wali la ogeyn ujeedada Villa Somalia ugu dhegan tahay in Lafta tago caasumada.
0 Comments