Abdirahman Cirro oo Maanta Booqasho aan horey loo sii shaacin ku tagay jeelka dhexe ee Lagu magacaabo Mandheera kadib Dhowr Caano maal oo uu halkaas ku xiran yahay Xildhibaan Abiib oo Xukuumada Muuse Biixi Ay Xabsiga dhigtay iyada oo ka qabatay Gagida diyaaradaha ee Cigaal isaga oo kasoo dagaya.
Taas oo aan loo marin sifo Sharci ah Xildhibaan Abiib Ayaa ka tirsanaa Baarlamaanka somaliland Mana jirto Cid Xasaanada ka qaaday Waana Nasiib darro isaga oo Xasaanad leh in Xabsiga loo taxaabay.
Maadaxweyne Cirro" oo jeelka ku booqday waxaa uu yidhi:
Saaka waxa aan safar jarmaado ah ku tegay Xabsiga weyn ee Mandheera oo uu ku xidhan yahay halgamaa shacab Xildhibaan Maxamed Abiib .
Xildhibaanka oo aan la kulmay waxa aan ka xaal wareystay xaladdiisa caafimaad, bad-qabkiisa iyo qaabka loola dhaqmo, Xisbi ahaan iyo Musharrax ahaanna waxa aan u caddeeyey inuu caddaalad heli doono, sharci darro iyo dastuur jabinna uu ku xidhan yahay, Somaliland oo dhamina ay xadhigiisa ka gilgilatay.
Xildhibaan Abiib, waa shakhsiyad keenadiid ah, dulmidiid ah, oo u ah bulshada reer Somaliland caroogga iyo codkooda dheer, ma istaahilo mana mudnayn in afka laga xidho codkaas oo ku fadhiya matalaad reer AWDAL ah, waxa aan ku baaqeynaa in Xildhibaanka degdeg xorriyaddiisa loogu soo celiyo.
Doorashooyinka Somaliland Ayaa Soo wajahan iayada oo Natiijada hordhaha loona badinayo inuu ku kuulaysanayo Abdirahman Cirro taas oo uu taageero badan helay Kadib Jabkii Ciidanka Somaliland Sidoo kale ay hoos u dhacaday Taageeradii loo hayay Muuse Biixi oo Hadda talada
●Ismaaciil Cumar Geele oo Xanuun kusoo booday
War culus: Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, ayaa xaalad caafimaad ugu jira cusbitaal ku yaal dalka Jarmalka mudo imika. Xaalkiisa dawlada Djibouti wey qarinaysaa. Waxase jira warar hoose oo sheegaya in dawladaha xeryaha milatari ku leh in ay ku wargaliyeen haddii wakhtigu uyimaad ICG in uu jiro qorshe awood wareejin ah oo dajisan, kaas oo ah in mudo yar
gudaheed doorasho ay u sharaxnaan doonaan laba wiil oo mid walaalkii dhalay oo awood badan ku leh Wasaarada Arimaha Dibada iyo inan kiisa mid ahaan u ordidoono in uu badalo iyadoo doorasho deg deg ah la qabandoono, Djibouti na aanay isku yaacay xaga maamulka.
Dawlada Djibouti ayaa dadaysa warka xaalka Ismaaciil Cumar Geele oo hadda uyaal cusbitaal dalka Jarmalka arimo caafimaad oo lagu sheegay in faalig ama dhiig ku furan sahlan, balse soo noqnoqday iyo dhiigkar aan degayn uu Jermanay u yaal.
Ismaaciil Cumar Geele waa 77 jir dhashay sanadkii 1947kii, kuna dhashay magaalada Diri Dhaba ee dalka Itoobiya. Waxa uu qabsaday xilka madaxweyne ee dalka Djibouti sanadkii 1999kii, 25 sano ka hor, markii adeerkii Xasan Guuleed Abtidoon oo isna ku dhashay degaanka Qulujeed ee degmada Saylac, ee Somaliland isna ahaa madaxweynihii ugu horeyey ee sanadkii 1977kii ilaa iyo 1999kii.
Djibouti waa dalka kali ee ilaa iyo madaxbanaanidiisii ay soo mareen laba madaxweyne, isla markaana dadkiisu haysan madaxbanaani xaga xoriyada hadalka. Goleyaashiisa deegaanka iyo Wakiilada waa
kuwo aan awood lahayn oo toos looga maamulo madaxtooyada. Djibouti waxa lagu tilmaamaa dalka Afrika ee hal qoys ka taliyaan. Ismaaciil haddii uu meesha ka baxo wax talada sii haysan doona isla qoyskiisa oo awoodaha dalka gacanta ku haya heer kasta.
Ha loo duceeyo oday Ismaaciil Cumar Geele.
MC2 News Somali:
0 Comments