Dowladda SSC khaatumo jawaab siisay Puntland oo sheegatay Dhulka SSC khaatumo.
”Waa wax aan sinaba loo aqbali karin, in maamulka aanu deriska nahay ee Puntland, uu sheegto dhulka Dowladda SSC-Khaatumo qaar ka mid ah, waa xad-gudub iyo meel kadhac dawladda SSC-Khatumo ay uga digayso maamulka Puntland. Sidoo kale waxaanu uga digaynaa, hay'adaha arrimahaas ka qayb qaadanaya.” Wasiirka Warfaafinta SSC khaatumo Najiib Barkhadle Warsame.
tan ayaa kusoo aadaysa itada oo Puntland iyo somaliland ay weli Dastuurkooda ay ka mid yihiin gobolada SSC-khaatumo oo kala ah sool, Sanaag, iyo Gobalka Cayn. Taas badankeedna Puntland ayaa markii hore soo dhaweyday dhaweysay Go'aankii isimada dhaqanka ee SSC-Khaatumo kaas oo ahaa Go'aan Shacbi ah oo dadka SSC-Khaatumo ay ku doonayeen inay ku yagleelaan maamulka ka madax banaan Puntland iyo somaliland
Puntland oo beenisay inay hub lasoo dagtay
Puntland ayaa sheegtay inaysan lasoo dagin wax shixnad hub ah taas badalkeedna ay ahaayeen baradho wixii u rarnaa dad shacaba
Tan ayaa kusoo aadaysa iyada oo baraha Bulshada ay qabsadeen maalin dhaweyd Baabuur kuw xamuulka ah oo ciidamada Puntland ay kasoo gal biyeen Xuduudka Dowlad deegaanka iyo Puntland ay wadaagaan
PUNTLAND: oo juhdi iyo dhaqaale ku bixinaya In dib lays kugu keeno Soomaali!
MW Puntland oo ka hadlayay magaalada Garoowe, ayaa muujiyey walaaca halista ah ee Puntland ka qabto hanaanka dawladnimada Soomaaliya, oo kusii socda in lakala sheegto, qabaa`iilo iyo kooxo la abaabulay ay qaar kamid ah shacabkii Soomaaliyeed oo dawladooda ka cawday loogu jawaabay in Soomaalinimadii laga saaray oo laga xigsaday, taas oo uu sheegay in halis weyn kasoo wajahan tahay.
Siciid Deni, ayaa sheegay in Masuuliyiin & Madax Soomaaliyeed ay ka shaqeynayaan in layska horkeeno bulshada oo la shiriyo Masuuliyiin dawladeed iyo Odayaal dhaqan, si ay bulsho kale oo Soomaaliyeed uga saaraan Soomaalinimada, ayna dawladnimada ka xigsadaan, taas oo uu sheegay in danta laga leeyahay ay tahay kala geyn bulsho, in aan xilka laga qaadi Agaasime guud oo bulsho dhan u gafay oo wali xilkii hayo ayuu ku sheegay arrin aan la aqbali karin, ooay tahay in kor loo sheego.
MW, ayaa sheegay in laga shaqeynayo kala geynta bulshada Soomaaliyeed, dawlad dhiska oo waqti badan laga soo maray iyo dhib badan ayuu sheegay in hadda madaxda DFS ay ka shaqeynayaan go’aano iyo marxalad halis badan oo dalka dib u celin kara, abuuri kartana Hoggaamiye kooxeedyada waqtigoodii wixii jiray.
Puntland ayuu sheegay Siciid Deni in ay dood qabto oo ay soo saartay cadeysana, ayna diyaar u tahay in ay miiska wada hadalka oo ay Soomaalidu toos u joogto ay keento oo ay kula garanto dawladda Faderaalka, laakiin cida bilaabayso ayuu calaamad su`aal saaray madaxweynaha Puntland, hayeeshee wuxuu tilmaamay in PL doorkeeda qaadanayso, hayeeshee sida wax loo wadaa ay abuurayso marxalad foolxun oo laga baaqsan karro hadda
Puntland, ayuu sheegay in ay diyaar u tahay in ay maalgaliso in Soomaali dib lays kugu keeno, oo ay waqti badan galinayso, diyaarna u tahay in Fagaare aan waxba qarsooneyn lagu wada hadlo, si looga gudbo marxaladan.
Isbedelada ka socda gobalka Geeska Afrika, ayuu sheegay in ay si kedis ah isku bedelayaan, waxyaabaha ka dhalanaya ay Soomaaliya saameyn weyn ku reebi doonaan, isagoo sheegay in uu walaaca la qabo madaxdii kale duwanaa ee qodobkan ka hadashay.
MC2 News Somali
0 Comments