Somalia iyo Itoobiya
ANKARA: maanta waxay ciyaaraysaa "RUCLEYN DIBLUMAASIYADEED"
Sida ay tabinayso wakaalada wararka ee Turkiga ANADOLU, wada hadalka Ankara ee u dhaxeeya Soomaaliya & Itoobiya ayaa qaadan kara waqti dheer, waxaana ay ciyaaraysaa Turkigu caawa "shuttle diplomacy-Rucleyn diblumaasiyadeed- "taas oo ah in ay Is afgarad dhex dhigto Muqdisho & Addis Ababa, aysan awoodna la hari doonin
Ilo wareedyo diblumaasiyadeed, oo katirsan dawladda Turkiga ayaa sheegaysa in aan wali lagu guuleysan is horfariisin rasmi ah oo labada dhinac ah, wada hadaladuna ay waqti dheer oo kale aadi karaan, haddi aan 2 saac gudahood lagu helin go`aamo horusocod leh.
Maxaa kasocda Muqdisho & Addis Ababa?
Fiidnimadii hore ee caawa, RW Itoobiya Abiy Axmed ayaa kulan gaar ah la yeeshay xubno sare oo loogu yeeray diblumaasiinta sare ee arrimaha dibada Itoobiya, waxaana ku jira sadex Jeneraal oo Soomaaliya galkeeda mudo dheer hayey.
Khadadka, Telfoonka ee Muqdisho & Addis Ababa ayaa saa'id u shaqeynaya, madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa mar kasta la hadlaya dhinaca Ergada uu u diray Ankara, halka dhinaca Addis Ababana RW Itoobiya la hadlaya dhiniciisa.
Turkiga ayaa ku howlan sidii meelmar looga dhigi lahaa Is afgarad ay gaaran dawladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana ilaa hadda socda dadaal xoog leh oo wada hadalada la doonayo in ay guul keenan.
Luuqada iyo erayada la adeegsanayo ayaa kamid ah waxyaabaha adag waqtigan.
Turkigu, waxay soo bandhigeen 3 aragti oo kale duwan, mid kamid ah waa in ay ayagu dhisaan deked laga hirgaliyo gobalada dhexe ama Badweynta Hindiya, oo ay ka dibna isticmaasho Itoobiya, qiimaha ku isticmaalayso lamid yahay kan Jabuuti, lahaanshiyana ay leedahay Soomaaliya, Canshuurta ay qaado DFS, adeegga (Service), kana ay yeelato dawladda Turkiga.
Itoobiyaanka waxay wali diidan yihiin in ay is beeniyeen, (MOU-ga waa kalaabanay), ayagoo ka war wareegaya luuqad cad oo rasmi ah.
Warar Caalamka
Madaxwetnihii Hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay Bar kulan uu ka hadlayay: in Weerarkii Oktoobar 7 uusan dhici lahayn ma , sidoo kale uu san dagaalka Ukrainena ma qarxi lahayn haddaan madaxweyne waqtigaa ahaan lahaa
Trump ayaa ku jira olaha Doorashada Madaxtinimada Maraykanka isag oo kamida Musharixiinta ugu cad cad waxaa lafiyaa inuu ku guuleysto Markii 2aad Aqalka Cad. Doorashada Bisha November
Elon Musk, ayaa sheegay shabakadiisa bulshada ee X , inay xalay la kulantay weerar dhinaca internerka ah oo lagu xaddiday dood uu daadihinayay oo uu kala qeybgalay Donald Trump, oo sannad kaddib dib loogu oggalaaday inuu bartan adeegsado.
Fiiro gaar ah;
Muddo yar gudaheed 1.3 milyan oo qof ayaa ku dhageysanayay X Space -ka, uu ololihiisa ku soo bandhigayay Trump , halkaa oo sidoo kale su’aallo lagu waydiinayay, balse waqti kaddib qofna ma awoodin inuu galo oo hawada ayuu ka baxay, taa oo Elon Musk, oo ah milkiilaha bartan uu ku sheegay inay ka dhalatay weerar dhinaca internetka ah, tani waxay timid maalmo kaddib markii la jabsaday barta ololaha Trump oo lagala deggay qorshaha ololihiisa, isagoo markaa ku eedeyay inay weerarkaa ka dambeyso Iran, iyadoo hada FBI-da ay shaacisay inay baarayso eedeymahaa.
0 Comments