Kalluunku waxa uu jirka uleeyahay faa'idooyin farabadan, kalluunka oo lacuno waxa uu kor uqaadaa bad qabka wadnaha iyo halbawlayaasha dhiiga iwm. Maxay tahay faa'idooyinka kalluunka ?
Kaluunku waxa uu ja kooban yahay macdano iyo fitamiino farabadan, sida chalcium, phosphorus, iron,zinc ,iodine , magnesium , potasium iyo amino asiid dufan leh.
Daraasaduhu waxay si wada jirah isugu raaceen in cunista kalluunka ugu yaraan 1-2 jeer asbuucii ay uleedahay jirka bani adamka faa'idooyin farabadan.
Kalluunka ayaa faa'idooyin caafimaad uleh jirka banii aadamka , waxaana faa'idooyinka ugu muhiimsan ee kalluunka kamid ah.
Faa'idooyinka kalluunka:
1: kor uqaadida koritaanka iyo shaqada maskaxda iyo unugyada dareemayaasha tan waxaa usabab ah arimahan soosocda:
- Kalluunku waxa uu bixiyaa omega-3 acid oo ah dufan muhiim ah iyo macdano laga maarmaan u ah hormarinta neerfaha iyo maskaxda iyo muuqaalka haboon ee jirka
- Daraasadaha qaarkood waxay heleen xidhiidhka kadhexeeya qaadashada omega-3 iyo hoos udhigista khatarta niyad-jabka ,waalida iyo cudurka alzheirmers
- Omega-3 iyo asiidyada dufanka leh ee kalluunka waxay doorwayn oo lama huraan ah ka ciyaaraan kor uqaadida shaqada neurotransmitters,kordhinta xasuusta,feejignaanta, iyo hababka maskaxda ee kala duwan.
- Waxaa la ogaaday in dadka da'da ah ee cuna kalluunka iyo cuntooyinka bada ugu yaraan halmar todobaadkii ay yareeyaan khatarta ah in ay kudhacaan cudurka alzheirmers, iyo waalid.
- Waxaa la ogaaday in kuwa si joogta ah ucuna kalluunka ay leeyihiin heerar ka hooseeya niyad-jabka markii loo eego kuwa kale
2: horumarinta caafimaadka wadnaha maadooyinka sare ee kalluunka ee asiidhka iyo dufanka muhiimka ah ayaa ka dhiga in uu door wayn ka qaato ilaalinta caafimaadka wadnaha, iyo xiddida dhiiga,hoos udhigista cadaadiska dhiiga, iyo yaraynta khatarta istarooga,iyo wadna xanuunka. Sababtoo ah kalluunku waxa uu awood uleeyahay:
- La dagaallanka caabuqyada laga yaabo inay saameeyaan halbowlayaasha iyo xididada dhiigga
- Yaraynta xinjirowga dhiiga
- Waxay yareysaa heerka dufanka iyo karastaroolka waxyeelada leh ee kujira dhiiga
- Xakameenta heerka cadaadiska dhiiga
- Dib udhiska xididdada dhiiga
3: kahor taga kansarka najiitooyinka cilmi-baarista qaarkood waxay xiriiriyaan qaadashada omega-3 fatt acids si looyareeyo khatarta noocyada kansarka qaarkood ee heerka sareeya ,gaar ahaan kansarka mindhicirada ,kansarka afka,kansarka hunguriga,kansarka qanjirka prostate,iyo kansarka ugan-sidaha
4: ka hortaga xiiqda carruurta waxa la ogaaday in caruurta cuna xadi badan oo kalluun ah kuwa kale ay kaga yar yihiin in ay ku dhacdo neefta oo ay astaamaheeda yeeshaan marka loo eego kuwa kale .
5:ka hortaga cudurka macaanka marka laga soo tago dadka qaba cudurka macaanka ee cuna kalluunka si ay uga caawiyaan inay joogteeyaan heerka caadiga ah ee sonkorta dhiiga. Waxay cilmi baarisyadu sheegeen in cunista kalluunka in ay xariir laleedahay inay yaraato khataraha cudurka sonkorta.
Hadaba cunista kalluunka iyo cuntooyinka badda waxay door wanaagsan ku yeelanayaan inay yareyso khatarta cudurka sonkorta.
Kalluunku waa badalka ugu haboon ee hilibka kale, maadaama uu ku yar yihiin kalooriyayaasha iyo dufanka iyo borotiinada, taas oo macnaheedu tahay in ay calooshu buuxsanto modo dheer ,maadaama ay borotiinku qaato waqti dheer in ladheefshiido oo kabadan carbonhydrateska iyo dufanka. Dhakaatiirta caafimaadka waxay ku talinayaan in lacuno kalluunka iyo cunooyinka bada.sabab too ah caafimaadka jirka ayagaa ufiican.
0 Comments