Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta dalka Turkiga uga furmay shir u dhaxeeya Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo ay gar wadeen ka tahay dowladda Turkiga oo xiriir diblomaasiyadeed oo wanaagsan la leh labada dowladood.
Ka dib markii uu xumaaday xidhiidhka labada dal markii ay Itoobiya heshiis la gashay Somaliland, waxa ay sheegtay in Itoobiya ay kiraynayso 20 KM oo ka mid ah dhulka xeebta ah, taas beddelkeeda, Itoobiya waxay noqotay waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day inta kale Soomaaliya 1991kii.
Waxaa la filayaa in shirkadani ay noqoto mid guulaysta oo miro dhal ah sababtoo ah dalka uu maalgashanayaa waa Turkiga oo lagu tiriyo saaxiibka dhow ee labada dal. Iyagoo rajeynaya in Itoobiya ay garwaaqsato ku xadgudubka madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Turkiga, Recep Dayeb, ayaa kula xiriiray khadka taleefanka
Hogaamiyayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka codsaday in ay daacad ka noqdaan wada xaajoodka, waxa ayna sidoo kale carabka ku adkeeyeen in Ankara aysan dooneyn in wada hadaladan ay fashilmaan.
Madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa khadka taleefanka kaga wada hadlay iskaashiga labada dal iyo xaaladda Itoobiya iyo Soomaaliya.
Madaxweyne Erdogan ayaa rajo ka muujiyay horumar laga gaaro wada hadalada Soomaaliya iyo Itoobiya oo berri ka furmaya magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga
Dhex dhexaadinta Turkiga ayaa shacabka Soomaaliyeed ku eegaaya in ay la yimaadaan wax dan u ah madax banaanida gobolka iyo badda Soomaaliya guud ahaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay walaalaha gobollada Waqooyi in ay dib ugu laabtaan wada hadalladii ka dhacay dalka Jabuuti, isagoo sheegay in xal laga gaaray.
Xasan Sheekh, oo Baarlamaanka ka hor hadlay, ayaa tilmaamay in kala fogaanshaha iyo midnimada labada dhinac ay tahay arrin u taala Soomaalida, balse aanay Shisheeyaha shaqo ku lahayn.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa dhamaadkii sanadkii hore kullan ku yeeshay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, balse rajooyinkaas ayaa meesha ka baxay markii Somaliland ay heshiis is afgarad ah la gashay Itoobiya.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabayay hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ka hor sheegay Baarlamaanka, ayaa sheegay in Itoobiya ay caalamka oo dhan dhex mushaaxeyso, si ay u qariso qaladaadkii diblomaasiyadeed ee ay gashay, sababo la xiriira xeerarka caalamiga ah ee ay ku xadgudubtay.
Xasan ma qarin in Soomaaliya ay meelna u aaday difaacidda qaranimadeeda iyo midnimadeeda.
Waxa uu Itoobiya ku eedeeyay in ay wali ku adkaysanayso khaladaadkii ay horay u gashay, isla markaana sida ay wax u wado aan la xalin karin.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Itoobiya ay codsatay in ay la kulmaan Turkiga, ayna u soo jeediyeen inay si wadajir ah u soo laabtaan. Wuxuu ku booriyay Itoobiya inaysan ka laaban balantii ay ka qaaday shirkii hore ee Nairobi.
Xasan Sheekh ayaa ku celceliyay in dalkiisa uu diyaar u yahay wada hadalada. Sidoo kale, wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan cadow u ahayn Itoobiya, balse ay rajaynayso nabad, xasillooni iyo inay ka gudubto caqabadaha horyaalla.
Abiy Axmed ayaa laba maalmood ka hor baarlamaanka dalkiisa ka sheegay in Itoobiya ay qadarinayso qarannimada iyo midnimada Soomaaliya, balse waxa uu carabka ku adkeeyay in rabitaanka Itoobiya ee isticmaalka badda gobolka uu yahay mid gaar ah oo salka ku haya danaha dalkiisa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muuqday mid ka xumaaday dadaallada Soomaaliya ay kaga soo horjeedo heshiiskaas, isagoo sheegay in aan loo baahneyn in Soomaaliya ay caalamka dacaladeeda u tagto si ay uga dacweyso Itoobiya.
Abiy Axmed ayaa sheegay in xalku uu noqon karo duullimaad hal saac ah iyo kulan saacado qaatay oo ka dhacaya Addis Ababa.
0 Comments