LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Deni Iyo Booqashada Gobolka Mudug

 

Maalintii afaraad waxaa ku sugan magaaladda Gaalkacyo madaxweyne Saciid Deni oo aan wali kasoo bixin albaabka madaxtooyada Gaalkacyo, Saciid Deni ayaan ilaa hadda la kulmin waxgaradka iyo bulshada magaalada sidoo kale wax booqasho ah kuma tagin xarumaha dowladda iyo goobaha muhiimka ah.


Warar hoose ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu aad cabsi uga qabo shirqool Dil ah oo isaga loo diyaariyay waana sababta uusan wali uga soo bixin albaabkii uu ka galay Gaalkacyo maalintii talaadada isagoo diiday in uu tago garoonka cawaale oo lagu soo xirayay tartanka Cabdullaahi Yuusuf sidoo kale wuxuu joojiyay booqashada maamulka gobolka iyo degmada iyadoo aan si fiican loosoo hubin. Deni ayaan xitaa u bixin tukashada Salaada jimcaha iyadoo la ogyahay in wax ka yar 100 talaabo uu jiro masjidka alhuda oo ku dhagan madaxtooyada oo aan markii hore loo dhisin masaajid.


Isimada dhaqanka ayaa diidan kulanka Deni iyagoo ka caraysan hab dhaqanka madaxtooyada ee qorshaha iibka dekadda Garacad waxaana intooda badan ay ka maqanyihiin Gaalkacyo, warar kale oo madaxbanaan ayaa sheegaya in Islaan Bashiir iyo madaxtooyada ay kala boodeen kadib markuu balantii uga baxay!


Bulshada Gaalkacyo ayaa ku jahwareersan qorshaha Saciid Deni ee Gaalkacyo iyadoo la ogyahay in uu xaraashayo xeryaha dowladda ee ku yaala Gaalkacyo, waxaa kaloo ka baaqday kulamo billow u ahaa ol'olaha doorashada 2026 ee Xamar isagoo rajaynayay in madaxweyne QoorQoor uu kula kulmo gobolkq Mudug.


Maamulka gobolka iyo degmada Gaalkacyo oo dadku ay aad uga cabanayaan ayey macquul tahay in uusan waxba ka badalin iyadoo ay hortiisa isku canaanteen ilaa ay ku dhawaatay gacan ka hadal u dhaxeeya Jidxun iyo Jifo jabsade, ilaa hadda kooxda majliska ayaa gacanta haysa Xaaji Seyn oo loo wado in lagu badalo ismaaciil Geesey xisaabiyaha maaliyadda Mudug  oo shirkii maanta isna ay is maandhaafeen gudoomiyaha gobolka Mudug.


Madaxweyne Deni ayaan wax booqasho ah ku tagayn meel ka baxsan gobolka Mudug waxaana uu u safri doona magaalada Nairobi oo gabadhiisa lagu aroosayo 15-ka bishan.



Magaalada Laascaanood 



Waxaa maalmo yar kadib lagu soo bandhigi doonaa magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool buugga la magac baxay Goojacadde oo ay qalinka u qaatay qoraa Binti Ismail Abshir.

 

Buuggu wuxuu diiradda saarayaa taariikhda deegaanada SSC-khaatumo 1860-2023, waxaa ku qoran taariikh isugu jirta halgan, daagaal, xoriyad, dawladnimo, burburkii dalka iyo saamayntii uu ku yeeshay gobolada SSC-khaatumo.

 Taariikhdu waa marag.

GARAAD JAAMAC OO BOOQASHO KU TAGAY MAGAALADA WAACIYE EE GOBOLKA KARKAAR


Maanta waxaanu safar ugu anbabaxnay degmada Waaciye, intii aanu safarka ku jirney waxaanu sii marnay magaalooyinka Carta, Jurille, Dalwayn, Alxamdulilaah iyo Laasadawaco oo dad aad u badan nagu soo dhaweeyeen. 


Ugu horrayn, Waxaanu uga mahadcelinaynaa sida ay dadka deegaanadaasi noo soo dhaweeyeen, anaga oo ka raaligelinayna wakhtiga ay qorraxda taagnaayeen. Waxa kale oo aanu uga mahadcelinay sida ay uga qaybqaateen halgankii deegaanka iyo kaalintii ay ku lahaayeen. 


Intaa kadib waxaanu soo gaadhnay degmada Waaciye oo uu nagu soo dhaweeyey Ugaas Cabdifataax Ugaas Yaasiin, Cuqaal, Waxgarad iyo bulsho aad u badan oo safarkayaga sugayey. Waxaanu aad uga mahadcelinaynaa dadka reer Waaciye sida ay noo soo dhaweeyeen, waxaanuna ka raaligelinaynaa inta aanu ka soo dib dhacnay ee aanu ka soo habsaanay. Inta aanu joogno Waaciye, waxaanu kulamo la qaadan doonnaa odayada dhaqanka, madaxda deegaanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaanuna iska warraysan doonnaa xaaladaha deegaanka. 


Allaa mahad leh. 

QR: GARACAD JAAMAC GARACAD CALI


Waxaanu booqasho iyo salaan ugu tagnay Maxamuud Ciise Yey, oo laba wiil oo uu dhalay ku shahiideen halgankii deegaannada SSC-Khaathmo lagaga saaray duullaankii gardarrada ahaa.


Gobannimada waxa loo huraa waxa ugu qaalisan, wax naf ka qaalisan oo la bixiyaana ma jirto, Maxamuudna wuu hayaa wixii uu u halgamay wiilashiisana uu ku waayey, wax ka qiimo badan in deegaankii gacanteenna yahay, Maamul dadku leeyahayna uu ka jiro ma jirto waa guul iyo hanti u baahan faro adayg iyo ilaalin, wada tashi iyo isgarabsi. Waxaanu ugu ducaynay in Eebbe beddel khayr qaba siiyo Maxamuud Ciise Yey, shahaadada labadiisa wiilna uu ka aqbalo oo uu janno ku abaalmariyo. 


Dhammaan shuhahadii Eebbe ha u naxariisto, shahaadada ha u aqbalo. Inta dhaawaca ahna Eebbe ha u gargaaro hana u boogadhayo.

Qr: GARAAD JAAMAC 

Post a Comment

0 Comments