Taariikhda degsiimada magaalada ceerigaabo.
HORMADA 1AAD.
Taariikhdu weynoo musbaax maanka caawima'e.— AF-qallooc.
Wakhti ku beegan gugii 1920-kii bishiisii koobaad kowdeedii illaa saddexdeedii waa tuu ingiriisku fuliyey hawlgalkii duqaynta dhulkii dawladdii saalixiyada ahayd ee daraawiishtu ka arrimin jirtay si gaar ah qalcadihii waawaynaa ee ku yiilley dhulweynaha baaxadda leh ee gobolka sanaag. Ingiriisku magaalada cadan ayuu kaga soo kiciyey diyaaradihiisa "Royal Air Force ee "RAF"-ka¹ loo yaqaan. Hawlgalkaas wuxuu ku burburiyey dhammaan qalcadihii waawaynaa ee daraawiishtu ku lahayd gobolka sanaag, kuwaasoo ku kala yiilley min "caluula illaa surad" uguna magac weynaayeen; Ceeldheere, Midhisho, Jiidali( oo xarunta ugu weyn ahayd), durdura iyo badhamood fadhiisinna u ahaa guutadii indho-badan la odhajiray. Qalcadahaas uu duqeeyay ingiriisku dad iyo duunyaba waa ku daaduumiyey oo dhulka ayuu la simay, dadkii ugu magaca weynaa ee ku dhintay duqayntaas waxa kamid ahaa; Abaanduule Af-qarshe ismaaciil EUHN sidoo kalena ahaa qofkii ugu horreeyay ee soomaali ah ooy duqayn ku dilaan ingiriisku. Ragii kale ee halkaa ku go'ay waxa ka mid ahaa madaxii qalcadda jiidaliyeed AUHN darwiish ciise faahiye. Astaad Maxamed waatuu lahaa;
"Dunbukh sumuca degelkaan ka kacay dahab wixii yiilley
Dadibtii bannaanayd wixii dad iyo maal jiifay
Derbi iyo wixii daar burburay ama bukaar duugmay
Iyo duni wixii nagaga lumay dararka ceeldheero¹.
1: Ceeldheero/Ceeldheere waa deegaan katirsan degmada jiidali.
Weerarkaas arxan darrada ahi markuu dhacay kadib ayaa dad iyo duunyo wixii hadhay u kala fiidheen sidii gol'abeed cawl ah oo gucummaale aar ku dhex dhacay, bari iyo galbeedna afka kala saareen. "Waxa la weriyaa in laanbadda laasqoray iyo midda berbera ayan wax dad iyo duunya ahiba u dhaxayn". Masiibada ugu weyni waxay ku dhacday beesha Dhulbahante oo cududdii iyo xooggii daraawiisheed ahaa. Dhulbahante-sanaag labo ayuu u kala firdhay oo qaybi bari iyo habar-majeerteen ayey afka saartay, qayb kalena galbeed iyo carro iidoor ayey u hayaantey. Reeraha ugu badan ee habar majeerteen u galay waxay ahaayeen; Bahrikaye, Bihinacarraale, Aadan ugaadhyahan iyo Maxamuud ugaadhyahan halka kuwa carro isaaq iyo berbera galay u badnaayeen; Bahcabdalle, Bihinasamater, Cabdalle Naallaye iyo Bihinafaarax.
Waa marka Aadan gabay-xoog oo Garxejis muuse ismaaciil ahi ku diganayey Dhulbahante-sanaag oo lahaa;
"Baxwel¹ wuxuu kursiga ugu fadhiyay kaca kan dayreed
Majeerteenna soo kicitinoo keenadiid yimiye
Karamaan laguu diid haddaw kici lahaydeene
Kaymaha libaaxyadu galaan laga kadeedbeele
Kiniiniga u nimi reer calaw² kana-nadiiniiye
Xageebaa arlada looga kici laysku soo kadiye."
1: Baxwel = Warsangeli
2: Reer Cali = Cali Naallaye.
Dhoorre kulan oo daraawiishtii u fiidhey Habar-majeerteen ee qardho iyo boqortooyadii cismaan maxamuud u galayna ugu jawaabayey;
"Inuu aadan gabay-xoog kamma'o waa karaahiyo'e
Inuu caaqibo u kuutiyo baw kadimo roonayde
Af kadsoobay yaa ugu daran kiisna loo hayaye
Anna caawa waa iga kalaan maqashe kiisiiye
Kablalaxa nin sheegtaba ilaah baa koriyay xoogowe
Baxwel wuxuu kursiga ugu fadhiyay kaca kan dayreed
Majeerteenna soo kicitinyoo keenadiid yimi
Kaymaha libaax yadu galaan koli madoontaane
Karamaan hashii lagu yiqiin waa ku kodolnaaye
Sidii kon la jaray yaan isaaq galab la kawsiine
Abtiyaalaw kaadsada marbaad kibir hawootaane."
Dhulbahante carro sanaag muddo shansannadood oo xidhiidh ah ayuu ka maqnaa ( 1920 — 1925 ). Horraantii 1926-kii ayaa wixii mood iyo nool doogay kusoo guryo noqdeen dalkoodii iyo dhulkoodii doolku ka qixiyey iyagoo hormo hormo ah. Waana marka ingiriisku hindisay siyaasaddii chief‐caaqillada jilibbada soomaalida oo uga danlahaa kala firdhadka iyo irdhaynta qabiilka si xukunkiisu ugu fududaado. Bilmetal, Dhulbahantuhu waxay lahaayeen labo garaad oo keliya kuwaasoo kala ahaa; 1: Garaadtooyada Faarax Garaad iyo Baho-nugaaleed 2: Garaadtooyada Maxamuud Garaad oo ay kujiraan jilibbo Dhulbahante ah iyo kuwo beelo kale ahi. Waxaan uga socdaa labadaa garaadtooyo midna ma ogolayn xukunkii saancaddaalaha doolka ah, sidaas darteed ayuu u allifay ingiriisku siyaasaddiisa chiefs-ka ama cuqaasha. Jilibbadii ugu horreeyay ee uu siyaasaddaa ku fuliyo waxa kamid ahaa; Bahrikaye oo caaqil uga dhigay Cali‐yare shibbin, Bihinacarraale oo caaqil uga dhigay faarax maxamed jibriil, bahcabdalle oo caaqil uga dhigay cali suudi xiddig iyo bihidareys oo caaqil uga dhigay cawke jabane,( Cawke jabane wuxuu ahaa caaqilkii ugu horreeyay ee Naallaye axmed yeesho se markii danbe jifidiisa bihidarays ayuu ku danbeeyay.) Halka qolada warsangeli mudnaanta koobaad ay mar walba saldanaddu u lahayd. Qolada garxejis ee muuse ismaaciil wuxuu caaqil uga dhigay cali maxamed faarax oo cali aamus ku magac dheeraa, halka qolada muuse abokor ee habarjeclona uu caaqil uga dhigay jaamac maxamed cigaal.
Sidoo kale ingiriisku waa markuu keenay hindisaha iyo aasaaska magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag isagoo uga danlahaa labo u jeeddo, tan koobaadi waxay ahayd isku haynta iyo isu soo dhawaynta qabiillada hartiga iyo isaaq, si gaar ah Dhulbahantaha oo uu jabiyey iyo isaaqa. Maadaama isaaqu usoo raacay Dhulbahante ingiriiska oo dad iyo duunyaba baabi'iyey oo xataa wax kale iskaddaaye haweenkii qaxay ee Dhulbahante ay kufsi wadareed ku sameeyeen isaaqu, dalkiisii baaxadda lahaana kusoo durkeen oo kusoo qabsadeen. Waa markuu Sayid maxammed lahaa;
"Duqow iyo dhallaan iyo waxaan dumar naloo reebin
Daaxuudhka iidoor wuxuu derayey caadhkiisa
Gabdhahay dillaacsheen wuxuu dhiigu diliqleeyay"
Tan labaadi waxay ahayd ingiriiska oo ka dhex arkay fursad uu xukunkiisa ku hoos keeni karo si aan jujuub ahayn beesha Dhulbahante isagoona usii maraya cuqaashii uu sameeyay maadaama oo ingiriiska iyo Dhulbahantuhu ay col iyo cadaawe daahigo'ay isu ahaayeen oo Dhulbahantuhu shacbi ahaan ayan si walba u ogolayn xukunka ninka "CAD" ee doolka ah. Balse taasi ma ayan joojin oo labadiisii siyaasadoodba waa ku guulaystay oo hadday noqoto iska horkeenka cuqaasha iyo garaaddada Dhulbahante si uu xukunkiisu ugu fududaado waaku guulaystay, tii labaad oo ahayd isu soo dhaweynta iyo wax ka dhaxaysiinta beeshii uu jabiyey iyo tii baabi'isay ee cadawga u ahaydna waa ku guulaystay.
1:Diyaaradaha "RAF" labo kamida ayey daraawiishtu soo ridday. Mid kamida waxa soo kufisay darwiishad jamaad Cabdulle Xasan ooy sayidka walaalo ahaayeen. Ta kalena hubkii badnaa ee ay daraawiishtu gamaysay ayaa haleeshay oo dhulka soo dhigtay, midka mida xadeed caddaha sanaag ayey kusoo dhacday. Waa tuu sayid maxamed lahaa;
"Dab wax guba dayuuradu wixii nala dul gawdiidshay
Waagii dillaacaba wixii naga dulguuxaayey
Dalkii aanu joognaba wixii nagu duqaynaayey
Inkastaannu qaar daadinnoo deli ka tuuryaynnay"
Buddhigii iyo aasaaskii magaalada horraantii 1926-kii ayaa ingiriisku isugu yeedhay cuqaashii uu reeraha u sameeyay si gaar ah beelaha Harti iyo Isaaq. Beelaha harti waxay cuqaashu wakiisheen cali-yare shibbin oo guddoon u ahaa, halka beelaha isaaqna wakiisheen Cali aamus oo guddoon isna u ahaa. kulankoodii koobaadba is qabsi iyo ku kala aragti duwanaansho halkay magaaladu dhacayso ayaa hadheeyay oo qoladii isaaq ee cali aamus horkacayey waxay ku doodeen in laga yagleelo dhismaha magaalada halkay maanta ku taallo degmada ceel-afweyn, halka qalada harti oo cali-yare hoggaaminayey ay iyana ku doodeen in laga bineeyo dhismaha magaaalada degmada jiidali ee taariikhiga ah. (Waxa la weriyaa in isqab qabsiga u dhexeeyay labada beelood markuu dhamaan waayey inuu ingiriisku ku xidhay beelkasta guddoonkeeda inay keento "120" gambo oo lacag ah " Indian rubbis" qoladii isaaq ee cali aamus horkacayey waa keeneen maadamooy ingiriiska heshiis ahaayeen ganacsatona lahaayeen halka qolada harti ee Cali-yare horboodayey ayan haysan wax badan oo mood ah maadaama ooy qaxeen.) Waa ogaal dhegood uun. Dood badan kadibse ingiriisku wuxuu go'aamiyey meel u dhaxaysa labada deegaan (Waa jiidali iyo Ceel-afweyne) waana halka maanta ay dhacdo magaaladu oo ah xududka kulmisa labada beelood ee Harti iyo isaaq. Ingiriisku deegaankan uu doortay hore wuxuu uga qaaday daraawiishta oo duqayntii ku dhacday isaga huleelay, waxana uu ka sameeystay ceel fadhiisin u ahaa, dadka deegaankuna ula baxeen (Afweyne) illaa haddana waaba ku yaal magaalada. Waana halka magaca magaaladu ka yimi oo "CEERIGAABO" waa ceeri oo isha ceelka ah iyo gaabo oo dhaw ama aan fogayn ah, yacnii "Ishii gaabnayd". Waatuu geeljiruhu ku heesi jiray;
"Sow codkaygii
Ceerida ishiyo
Ceelka kama garan"
Dhismihii magaalada daartii ugu horraysay waxa ka taagay caaqil cali-yare shibbin¹ oo Naallaye Axmed/ Bahrikaye ahaa, halka maqaaxidii ugu horraysay magaalada oo laga furay suuq hoose gaar ahaan istaankii xamar looga bixi jiray ( hadda waa baaba'ay) ay furtay gabadh Naallaye axmed ahi. Horrantii magaaladaba ingiriisku wuxuu bilaabay inuu usoo magcaabo "Dhiisi" maamulaya gobolka oo dhan. Sidoo kale dhiisigu wuxuu magcaabi jiray "Toon-kibidhi" magaalada maamuli jiray sida maayirka oo kale oo marba beel laga dooranjiray. Soddon iyo afar sannadood oo ingiriisku magaalada haystay wuxuu usoo magcaabay "14" dhiisi oo dhammaantood wada caddaan ahaa, marka laga reebo nin la odhajiray xuseen geeddi oo Dhulbahante/ Naallaye Axmed ahaa. Xuseen nin alle kooda buu ahaaye intuu magaalada haystay waxa ka dhacday qiso shaacsane ka ah gobolka oo macruufa taasoo ahayd in magaaladu ay xumaatay oo dadkii abaaro ku dhufteen sidoo kalena ganacsigii istaagay maagaladuna ilxumaatay intaa kadib uu xafiiskiisa ugu tagay nin la odhanjiray maxamuud cabdi shoorshoor oo gabyaa ahaa una sheegay siday magaaladu u weji xuntahay isla markaana la rabo inuu xuseen wax ka qabto maadaama uu dhiisiga gobolka yahay, ninkii xuseen ahaa oo laga sugayey wax ka qabashada magaalada wuxuu shoorshoor ugu halceliyey;
"Maxamuudoow magaaladan ceerigaabo ah aniga ayaa ka ILAAHA maantadan la joogo aniga ayaana sidan ugu talo galay ee ku noolow ama iskaga tag". Ninkii maxamuud ahaa yaab iyo dhabanno hays ayaa umalkiisii hadheeyay wuuna qaadan waayey ninkan wuxuu ka sugayey iyo wuxuu kala kulmay, intaa kadib shoorshoor wuxuu mariyey gabay caan noqday oo badankiisa aanan wada hayn asii naga soo gaadheen tuducyada tani kuwaasoo ku waaninayo ninkaa Alle koodka ah ee wax is biday. kuyee;
"Ilaahyadu haday dhawryihiin lama dhaqnaadeen
Dhirif iyo colaad iyo hadday dhiilo kala gaadho
Dhawaaqooda kaliyuu nafluhu dhimanlahaayeen"
— Maxamuud Cabdi shoorshoor.
1: Daartii ugu horraysay ee uu dhidbo caaqil cali-yare shibbin waatan taswiirtiisu waxa la yidhaah; "DAARI WAA BELO".
~Abdifatah Dubbad
0 Comments