maamulka Maraykanka ayaa sheegay in madaxweyne Joe Biden cunaqabatayn ku soo rogoyo wasiirka amniga qaranka Israa’iil Itamar Ben Gvir iyo sidoo kale wasiirka maaliyadda Bezalel Smotrich Ayaga oo loo haysto Arimo laxiriira xaaladda ammaan ee ka sii daraysa ee ka taagan Daanta Galbeed ee xooga lagu haysto.
Xogtan oo la dusiyey ayaa sheegaysa in dowladda Federaalka Maraykanka Ay ka soo horjeeda Siyaasadda Natenyahu ee ku dhisan dhul balaarsiga sii xoogeysanaya iyo deegaameynta cusub ee horta leh iyada oo meesha ka saareysa Riyadii Falasdiiniyiinta ee ahayd in mar uun Ay noqdaan dowlad la qoondan yahay. oo caalamku usoo joogsado.
Xogahan lahelay ayaa sheegeysa in inta badan Labada Xisbi ee Maraykanka Ay ka soo horjeedaan ayna diiday yihiin soo jeedinta Xayiraadda lagu soo rogoyo Ben Gvir iyo Smotrich, waxayna Sheegeen inay ka walaacsan yihiin Cunaqabataynta Madaxda Dalka Saaxiibka dhow yihiin ee Israa'iil waxayna Hoosta ka Xariiiqeeen Diidmada Isku deygaa ladoonayo. iyaga oo ka digey.
Ilo Dhaxal-gal ah ayaa sheegey in Biden laga yaabo inuu ka wareego Go aankiisii Hore ee ahaa Cunaqabataynta labada wasiir Taas badankeedna uu Xayiraadda kusoo rogo Daraasiin Shaqaalaha iyo Taageerayaasha labadan wasiir ee Xagjirka ah
Mar sii horeysay , wargeyska Haaretz ayaa daabacay in wadamada Israa’iil taageera ee reer Galbeedka ay ka digayaan Xayiraadda cusub ee Biden hogaamiyayaasha israaiil ee deegaamaynta, kuwada Daanta Galbeed ee lahaynsto Ayaga oo Sheegey inay Khatar Galin karto Maamulka haatan ka jira Israa’iil la xidhiidha siyaasadaha labada wasiir ee Xagjirka ah.
0 Comments