2 July 2024 Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland Ayaa isigu yimid Shir Aaan Caadi ahay shirkaas oo ka dhacay Hoolka Baarlamaanka Jubbaland ee magaalada kismaayo Waxaa looga doodey wax kabadal Dastuurka Jubbaland. Si doorasho waqtigeedii ka soo hormarta looqanto Bisha August ee sanadkan Aaan ku jirno ee 2024.Dood wadaag kadib Baarlamaanka Ayaa Cod Aqlibad ah ku Ansixiyey. Waxkabadal Dastuurka Jubbaland.
Qodoba ugu Muhiimsan ee la'ansixiyey.
Shan sano oo laga dhigay mudda Xileenka Madaxweynaha Jubbaland.Iyo Sidoo kale in Meesha laga saaray inta uu isasoo Shari karo Madaxweynaha oo markii hore 2 jeer Balse Hadda noqoneysa Mid furan oo aan Xaddid nayn. Taas oo ka dhigan. Inuu Madaxweynaha Jubbaland Uu Xukunka sii joogayo ilaa inta uu rabo. Oo Cimri dherersi aan Xaddidnayn.
Bishii Ag 2019 Ayaa ugu dambeysay Ahaydna Doorashadii Ugu dambeysay Jubbaland.
Saameynta ugu badan waxay ku yeelaneysaa dowladda federaalka Somalia ee uu Hormuudka u yahay MD xassan sheikh maxamuud Taas oo rabtay inay isku hayso dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda dhexe iyada oo horey u maqnayd. Puntland oo miisaan weyn ku leh guud ahaan Soomaaliya.
Saameynta labaad waa Waa dowlad goboleedyada Hadda Aysan kala dhaqaaqin dowladda federaalka Somalia sida koonfur Galbeed, Hir shabeele, iyo Galmudug., Kuwaas oo iyana lafilayo inxay kala dhaqaaqi doonaan Dowladda dhexe kan ugu horreeya waxaa lafiyaa inuu noqon doono laftageen oo hadda ku tukubayo ulo boocbooc ah.
Dowladda dhexe oo kacarootay talaabada Ay qaadeen Baarlamaanka Jubbaland
Dowladda federaalka Somalia iyo dowladdaha Xubnaha ah ayaa ku heshiiyey kulankii ugu dambeeyay in qabasha dooorashooyinka looga dambeeyo dowladda federaalka marka laga yimaado puntland oo shirka aan joogin taas oo meel Laisla dhigey. Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in lagu darsado muddo xileed dhan 2 sano si hal mar loo wadaqabto doorashada dowlad goboleedyada balse Talaadadii shalay Ayaa meesha kasaaartay heshiis shirkii wada tashiga.
Dowladda federaalka Ayaana aad uga carootay dhambaalka dhagaha u xun ee kasoo yeerey magaalada kismaayo shalay taas oo uu sameeyay. Axmed madoobe.waxaana lafilayaa inay kahadasho Dowladda dhexe Arintan saacadaha soosocda.
Sidoo kale waxay hor istaag kusameynaysaa. Damacii filada taas oo ahayd in laqabto doorasho qof iyo Cod iyada oo horey u taagnayd. Caqabada badan oo hortaagnaa oo ay kamid yihiin Mucaarka dowladda iyo puntland oo gabi ahaanba kasoo horjeedey doorada qof iyo iyaga sheegey inaysan ahayd doorasho balse tahay tahay oo kaliya Kushubasho cad.
Mucaaradka Jubbaland
Macaaradka Jubbaland Ayaa sidoo kale ka soo horjeestay waxka badalka Dastuurka Jubbaland iyaga oo ku tilmaamay Boob iyo inuu Axmed madoobe markale wado kushubadho waxay qaadaceen gabi ahaanba doorashada soo aadan ee dhacaysa bisha August ee food nagu soo haysa.sidoo kale waxay ku baaqeen mucaaradka dibad jooga ah in laisu yimaado kulan deg Deg oo looga arinsanayo. Arimaha ka soo kordhay Jubbaland.
Mucaaradka Jubbaland Ayaa ah mid aysan wax gacanta ugu jirin maadaama aysan joogin gudaha Jubbaland. Sidoo kale aysan ahayd kuwo aan mideysnayn. Oo kala dano yihiin. Ugu dambeyntii waxaa larumeysan yahay in khilaafka Jubbaland uu salka ku hayo doorashada fooda nagu soo haysa. Iyada oo natiijadeeda lwada sugayo.
MC2 News Somali
0 Comments