Khasaaraha kadhashay Dagaalka.
Kudhawaad 50 ruux Ayaa ku geeryootay dagaalkan socday labada cishe dhaawucuna wuxuu kor u dhaafey 200 ruux sida MC2 News Somali Ayka kaxaqiijisey Cisbitaalada kuyaal Gaalkacyo iyo Goldogob.waxaana Xoolo dhaqatadii Ay kaqaxeen deegaanada u dhow meelaha lagu dagaalamo sid jiicboor iyo maygaag.
Lamana kala qaadin wali Meleeshiyadii halkaasi dirirtu ku dhexmartay. Waxaa suurto gal ah markaste inay Xabaddu faraha kabaxdo majirto ilaa haatan Cid kukala dhexjirta labadaas Maleeshiyo beeleed. Marka laga reebo Culimada iyo waxgaradka oo diraya baaq ah in Xabadda lajoojiyo lana wada hadlo.
Xaaladda Saaka iyo Meelihii lagu dagaalamey.
Saaka oo jimce ah weydagan tahay meelihiisii lagu dagaalamey labada cisho inkaste oo aan lagu dhexjirin iskuna muuqdaan labada Maleeshiyo. Sidoo kale waxay kla helayaan Gurmadayo kala duwan labada dhinac. Beelaha leelkase iyo Sacad waxaana qarka ay u saaran tahay in markale dagaal kale oo kii labada cishe ka culus uu qarxo.
Dagaalka iyo wuxuu Salka kuhayo.
Dagaalka Guud ahaan Gobalada dhexe Mudug iyo Galgaduud ee Soomaaliya Ayaa ah mid aan joogsan. Oo inta badan salka ku haya Aanooyin soo noqnoqtay. Sidoo kale dadka Arinka sida dhow ula socda waxay leeyihiin inaysan meesha kamarnay Dhul daaqsimeed iyo dhul durugsi ka dhxjira Beelaha halkaas wada dagan.ee ood wadaagta ah.
Dagaalka Oo haduu sii socdo laga Cabsi qabo inuu gaaro gobolka oo dhan.
Dagaalada gobolka Mudug Ayaa ah kuwo Soo noqnoqda oo joogta ha waliba waxaana dagaalo Farabadan dhexmareen. Maamulada puntland iyo Galmudug waxaana ugu Dambeeyay Dagaalkii 2016 oo markii dambe kusoo dhamaadey hashiis buuxa oo hirgalay waana lagu nastay heshiiskaas iyada oo guud ahaan shacabka gobolka ku nasteen Dagaaladi ahliga ahaa
Inataas wixii ka dambeeyey waxaa lagu guuleystay heshiis waara iyo wada shaqeyn dhexmaray labada Maamul ee deriska ah puntland iyo Galmudug.
Nasiib darro'se Dagaal Beeleed Ayaa ka dhacay Galbeedka Gobolka Mudug oo u dhaxeeya Beelaha leelkase iyo Sacad
Kaas oo in mudda ah dadka Gobolku kanasteen qeyla dhaanta iyo Hurinta colaada dagaalkii ugu dambeeyay ee shalay dhacay Ayaa meel sidaas Aan uga fogeyn Magaalada Madaxda Gaalkacyo soo gaarey
Qatar Amni oo ay wahjaheyso Gaalkacyo maadaama labada beelood wada dagaan magaalada Gudaheeda waxaa suurto gal ah inuu gudaha ka qarxo. Hadii maamulada aysan iska xilsaarin joojinta Colaada soo cusboonaatey. Lana xakameyn Gurmadyada Ay kala helayaan. Labada dhinac.
Dhinacyo Dana kala duwan kaleh Ayaa hurinaya sid ay sheegayaan ilo lagu kalsoonaan karo. Kuwaas oo ay ku jiraan Siyaasiyiin Xilal hay iyo kuwo Aan wax Xilaha Hayn oo baago muudo uun kujiara. Waxayna ribix kadhex arkaan Dhiiga walaalaha halkaasi dirirtu ku dhexmartay iyaga oo labada dhinac Rasaasta isugu dhiibaya. Si ay danahooda uga fushtaan
Wixii faahin oo dambe oo kasoo kordha kala soco MC2 News Somali guud ahaan walaalaha kalkaas ku diriya MC2 News Somali waxay leedahay dagaal wiilbaa kudhashee wiil kuma dhinto dagaalka haha joojiyo waxna laga faaidimaayo aan ka ahayn Ifka iyo adduunka oo lagu seego mooyee.
0 Comments